Wasiirka Gaashaandhiga JSL Iyo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Oo Soo Kormeeray Cisbitaalka Ciidanka Ee Magaalada Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Gaashaandhiga JSL Iyo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Oo Soo Kormeeray Cisbitaalka Ciidanka Ee Magaalada Hargeysa.
May 6, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N) Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo uu weheliyo abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka JSL Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), ayaa kormeer ku tagay cisbitaalka ciidanka qaranka ee xerada Birjeex ee magaalada Hargeysa kaasi oo ay booqdeen bukaanada ku jira cisbitaalkaasi iyo waliba dhismaha cisbitaalka cusub ee loo dhisayo ciidanka Qaranka JSL kaasi oo meel wanaagsan maraya.

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay Gaashaanle Maxamed Jaamac Dube oo ah agaasimaha cisbitaalka ciidanka Qaranka kaasi oo sheegay in xaalada guud ee cisbitaalku uu aad u fiican yahay waxaanu warbixin ka siiyey tirada ku sugan cisbitaalka iyo waliba xaaladooda caafimaad kaasi oo sheegay in cisbitaalku uu dadaal ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada kala duwan ee ay u qabtaan ciidamada Jamuuriyada Somaliland.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka JSL Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), kaasi oo sheegay in dhismaha cusub ee cisbitaalka ciidanka qaranku uu wax weyn ka tari doono xaalada caafimaad ee ciidanka iyo waliba daryeelka loo sameeyo ciidamada qaranka waxaanu sheegay in dhismaha cisbitaalkani uu noqon doono mid daboolaha baahiyaha dhanka caafimaadka ee ciidamada waxaanu aad ugu mahad celiyey wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo uu ku tilmaamay shaqsi hawl kar ah oo daacad u ah qaranka.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamud Caateeye(Fariid), Kaasi oo sheegay in ka wasaarad ahaan ka go’an tahay sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka iyo ka war haynta ciidanka Qaranka ee hadh iyo habeen u taagan sidii ay u difaaci lahayeen Jamuuriyada Somaliland, Waxa kale oo uu sheegay in cisbitaalka cusub ee dhismihiisu socodo ay qayb ka tahay xoojinta iyo horumarinta uu madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland la garab taagan yahay ciidamada kala duwan ee dalka.

COMMENTS
LINKS