Wasiir Seerbiyaan Ah Oo Ka Sheekeeyay Dhacdo Uu Goob Joog u Ahaa Oo Sobobtay In Farmaajo Kursiga Ka Boodo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Seerbiyaan Ah Oo Ka Sheekeeyay Dhacdo Uu Goob Joog u Ahaa Oo Sobobtay In Farmaajo Kursiga Ka Boodo!
May 29, 2019 - Written by Editor:

“Wasiirka  Ma Ogtahay Haddii Halkan ay Ilaa Joogi Lahaayen Qaar ka Tirsan Dawladaha Reer Galbeedku Inay Iyagu Yaaci Lahaayeen.”Madaxwayne Farmaajo.

Hargeysa(W,N)-Wasiirka Khaarajiga ee Seerbiya Ivica Dacic, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu naxdin darteed kursiga ka booday, ka dib markii uu toddobaadkii hore qarax xoog weyni ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Seerbiya Ivica Dacic, ayaa toddobaadkii hore wuxuu socdaal ku tagay magaalada Muqdisho, waxaanu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin intii uu kulanku socday ayaa waxa dhacay qarax weyn oo ka dhacay meel aan ka dheerayn madaxtooyada, waxaana naxdin darteed kursigiisa ka booday Madxweyne Farmaajo, halka aanu Wasiirka Seerbiya is dhaqaajin, waxaanu Wasiir Ivica ku yidhi Madaxweyne Farmaajo, “Anagu waanu u baranay qaraxyada oo diyaaradaha NATO ayaa cirka naga duqeyn jiray”, waxaanu Farmaajo kaga jawaabay hadalkaas Wasiirka  “Ma ogtahay haddii halkan ay ilaa joogi lahaayen qaar ka tirsan dawladaha reer Galbeedku inay iyagu yaaci lahaayeen.”

Wasiirka Seerbiya, wuxuu sheegay inuu mar dambe ogaaday inuu qaraxaas ku geeriyooday mid ka mid ah wasiiradii Soomaaliya ee soo maray arrimaha dibadda Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye.

 

COMMENTS
LINKS