|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururka Qareenada Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhiga Xildhibaan Dhakool,Soona Bandhigay Tirada Qodobada Sharci Ee Ay Xukuumada Madaxwayne Biixi Jabisay.
May 14, 2019 - Written by Editor:“Waa In Xukuumadu Sharciga iyo ku Dhaqanka Dastuurka ku soo Noqoto Islamarkaana la Xisaabtanto Booliska JSL Ee Jabiyey Dastuurka Qarankani ku Dhisan Yahay. Haddii kale Waa in Goleyaasha Sharci Dajintu Kula Xisaabtaman Xukumada Jabinta Dasturka”Ururka Qareenada Somaliland.HARGAYSA(W,N) Ururka qareenada Somaliland ee solla ayaa ayaa hadlay sifaha ciidamada boolisku umareen xadhiga xildhibaan dhakool iyo muwaadiniin kaleba kaasi oo ay ku tilmaameen sharci daro Sidoo kale ururka qareenada Somaliland ayaa soo bandhigay qodobada sharci ay xukuumada madaxwayne jabisay iyagoo eedo culus ujeediyay ciidanka booliska iyo xukuumadaba Warsaxafadeedka ayaa Udhigsaan Sidan; Txr: SOLLA/01CHAIR/RLFL/#38/2018 13/5/ 2019 War-saaxafeed Ururka Qarenada SOLLA Ururka qarenada Somaliland waxa uu manta oo tarikhdu tahay 13/5/2019 warsaxafadeedkiisan kaga hadlaya Xadhiga qayra dastuuriga ah e lagu xidhay xildhiban ka tirsan golaha wakiilada JSL ‘’ dhakool’’ xadhigan oo ah mid xad-gudub ku ah dastuurka qaran islamarkana ah meesha lagaga saaray xasaanadii uu dasturka qaranku siiyey Xildhibaanada Golaha wakiilada iyo goleyaasha kaleba waana arin ugub ah oo aanay Somaliland hore uga dhicin laf-jabna ku ah hanaanka dimuqraadiyadeed e dowladnimada JSL. Ururka qareenadu wuxu war-war iyo walaac wayn ka muujinaya jabintaanada dastuurka qaran iyo ku dhaqan la’aanta sharciga e caadada iyo dhaqanka u noqday xukuumada talada hayse Ee Madaxwayne Muse Biixi Cabdi taasi oo aanay xukumadani muddadii ay xilka haysay ay si qaawan oo badheedh ah ugu tumatay dasturka dalka iyo qawaaniinta kaleba gaar ahaan qodobada la xidhiidha xuquuqda xadhiga muwaadiniinta reer –Somaliland gabi ahaanbana meesha ka saartay xuquuqaha dastuuriga ah e ku xusan Qod. 25, 26,27,28,24,29 e dasturka qaranka taasi oo gabi ahaanba muwaadiniinta la xidhay muddadan labada sanno Ee dhow dhow ah aan qofna xadhigiisa loo marin nidaam sharci balse loo xidho muwaadiniinta qaab qayra sharci ah oo ah in habenimo guryaha loogu Daato iyada oo aan la haysan waaran qabasho iyo waaran guri galid midna iyada oo uu dasturka qaran Qodobkiisa 29 aad tilmaamayo inaan guryaha muwaadniinta la gali karin la baadhi karin ilaa uu jiro amar garsoore awood u lihi soo saaray oo sababaysan islamarkan waxa wajib ku ah ciidanka booliska inay u akhriyan waaranka guri galida una dhiiban sidoo kale sida uu tilmaamayo Qod.25 xubintiisa 2 aad waxay tilmaamaysa inaan qofna la qaban karin la xidhi karin ilaa uu jiro amar garsoore awood u lehi ku soo saaray qabashadiisa ama aan isla waqtiga lagu qaban isaga oo danbi faraha kula jira haddaba waxa jirta inaan qabashada xildhibanka loo haysan waaran qabasho iyo waaran guri galid midna sidoo kale waxa jirta inaan qabashada xildhibanka loo marin nidaamka uu tilmaamayo Qod.49 faraqadiisa 3 aad waxay caddaynaysa inaan xildhibanka la baadhi karin la waraysan karin sababo baadhitan , la xidhi karin ilaa ogolaansho laga helo golaha wakiilada e uu ka tirsanyahay sidoo kale qodobkan dasturka e 49 xubintiisa 4 aad waxay caddaynaysa inaan xildhibanka sinaba loo qaban karin ila ogolaansho laga helo golaha waxaanay booliska JSL jabiyen oo ay si badheedh ah ugu tunteen dastuurkii qaranka JSL gaar ahan qod,29,25,27,49,79 dhamanba qodobadan waxa loo jabiyey xadhiga xildhibanka , haddaba su’aashu waxa weeyi marka qodob dasturi ah la jabiyo maxa ciqaab ah e ka dhalan karta ama talaabo sharci ee ku haboon cida jabisa qodob dastuuri ah sida ay tilaamayaan qodobada dasturiga ah ee kala ah 25 xarafkiisa 3 aad oo u dhigan sidan Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha ciqaab ayaana ka dhalanaysa ku xad-gudubkooda Sidoo kale sida ku cad Qod, 27 xarafkiisa 9 aad oo sheegaya in ciqaab lagu mutaysan karo jabinta iyo ku xad-gudubka xuquuqaha la xidhiidha xoriyadka iyo xadhiga sidoo kale Qod.24 xubintisa 4aad wuxu waajibinaya in si deg deg ah oo daahid la’aan ah loo fuliyo ciqaabta ka dhalatay ku xad-gudubka xuquuqda xadhiga iyo xoriyadaka muwaadiniinta Qodobadani waxay caddaynaya in dowladu masuul ka tahay dhowrida ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah ee la xidhiidha xadhiga iyo xoriyadka qofka sidoo kale qodobadani waxay caddaynaya in dowladu masuul ka tahay waajib sharcina ka saran yahay cid kasta oo ku gafta jabisa qodobadan dasturiga Ee kala 24,25;26,27,28.29 masuuliyada ilaalinta iyo ciqaab marinta ku xad-gudubkoodaba waxa uu dastuurku waajib kaga dhigay dowlada oo ah golaha xukumada e Madaxwaynaha iyo wasiirada Haddaba waxa cad in ay booliska JSL ay ku xad-guduben xuquuqdii xadhiga iyo xoriyada muwadiniinta sidoo waxay ku xad-gudben xuquuqdii dhowrsananta xildhibanada e ku xusan Qod.49,79 e dasturka qaranka sidoo kale waxa cad in booliska jabiyen 8 qodob oo dasturi ah oo kala ah 24,25,26,27,28,29,49,79 waxa dastuurka qaranku waajibiyeyin jabinta ,ku xad-gudubka dastuurka ay ka dhalanayso masuuliyad daro iyo ku xad-gudub dastur cid kasta oo ku xad-gudubta ama jabisa dasturka qarankuna waxay mutaysanaysa xilka qaadis iyo ciqaab danbi intaba sida uu tilmaamayo Qod. 96 xubintiisa kowaad xarafkiisa T sidoo kale waxa uu qodobka 37 xubintiisa kowaad waajib sharci kaga dhigaysa xukumada inay ku dhaqanto dasturka qarankan JSL . Waxa cad in xadhiga xildhiban la geeyey Maxkamada gobolka Hargeisa kana codsadeen boolisku Maxkamada inay u xalaaleeyan xadhiga xildhibaanka taasi oo aanay Maxkamada Gobolku sharci ahaan aanay awood u lahayn oo xildhibanada iyo wasiiradaba waxa dacwooda la gaynaya Maxkamada sare ee caddalada balse lama gaynayo Maxkamada gobolka mana qaadi karto waxaanay boolisku ku xad-gudben haddana Qod.79.96 e dasturka qaranka oo caddaynaya Maxkamada la gaynayo dacwada xildhibanada iyo wasiirada taasi oo ay gabi ahaanba booliska JSL ay meeshaba ka sareen dasturkii qarankani ku dhisnaa iyo ujeedadii ay u aas-aasnaayen booliska qaranka JSL oo ahayd fulinta dasturka qaranka balse waxay u eegtahay in booliska JSL qabtan shaqo ka duwan tii dasturku faray iyo ujeedadii loo aas-aasay e qaranku uga danta lahaa waxaana tilmaamaya shaqada booliska Qod.124 e dasturka qaran Jsl Xadhiga xildhibanka waxa diiday oo ka jawaabtay oo caddaysay inuu sharci daro yahay Maxkamada gobolka Hargeisa xadhigii booliskana ka diiday kana hadashay inay sharci daro tahay, sidoo kale waxa xadhiga xildhibanka diiday oo ka soo saaray go’aan sharci ah guddida joogtada ah e golaha wakiilada oo tilmaamay in xadhiga xildhibanka qaabka loo maray ay qayra dastuuri tahay sidoo kale waxa ka hadlay xadhiga xildhibanka garyaqaano ka tirsan ururka qarenada Somaliland waxaana nasiib daro iyo ku talo gal ay xukumadu ku talo gashay jabinta dasturka ah in ilaa hada uu xildhibankii xidhanyahay oo ay xukumadu ku adkaysanayso jabinta dasturka islamarkana ay xukumadu ku taageerayso booliska jabinta iyo ku tumashada dasturka qaranka JSL cidkasta oo jabisa dasturka qarankanina waxay mutaysanaysa xil ka qaadis iyo ciqaab sida uu caddaynayo dasturka qaranku e Qod.96 xarafka T Haddaba ururka qarenada Somaliland waxa uu cod dheer ku cambaaraynayaa habka loo maray xadhiga xildhibanka iyo jabinta dasturka qaranka e ay xukumadu caadaysatay waxaanan ku baaqayna
Allah Mohad Leh Mohamed Mohamoud Hashi———- Guddomiyaha Ururka qarenada Somaliland SOLLA Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|