“Somaalida In Dhul Laga Qaato Iyadoo Xay Ah Uga Cabsan Maayo,Balse Inay Iyadu Is Dhammayso Ayaan Uga Cabsanayaa”!Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaalida In Dhul Laga Qaato Iyadoo Xay Ah Uga Cabsan Maayo,Balse Inay Iyadu Is Dhammayso Ayaan Uga Cabsanayaa”!Abwaan Weedhsame.
May 27, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (weedhsame) oo kamida hal abuurka gayiga somalida  ayaa wax aan suurto gal ahayn ku Tilmaamay in Itoobiya si badheedh ah u shaaciso in dhul Somali leedahay  qaadashadiisa soo bandhigto balse arintani ay tahay mid khalad ku jiro sida ay dawlada itoobiya ubaahisay amaba ay suurto gal tahay in la jabsaday website lagu baahiyay

Abwaan weedhsame ayaa arintan kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebookga wuxuna udhignaa sidan;

“Miyey kula tahay inu dalka ethiopia qorshaha iyo siyaasada uu ka leeyahay dhulka soomaalida, dunida si badheedh ah ugu soo bandhigayo, isagoo aayar uun website soo gelinaya Khariidada mapkan la wareejinayo?

Kaba soo qaad inay Siyaasada ethiopia tahay qaadashada dhulkaasi, Sawirkani qorshahoodii ma wax buu yeelayaa mise wuu hirgelinayaa?

way fiican tahay foojignaata iyo inad ahaato qof soo jeeda oo wixiisa ilaashanaya, balse haddana caqli baa lagu daraa.

Anigu waxan qabaa Website-kan cid jabsatayba cid baa jabisay oo map-kan gelisay, balse amxaaro may gelin.

Soomaalida in dhul laga qaato iyadoo xay ah uga cabsan maayo, balse inay iyadu is dhammayso ayaan uga cabsanayaa!!! Halista werwerka mudan ee ay tahay Soomaalidu inay ka cabsataa maaha Shisheeye xoog dhul kaga qaata, balse waa Sokeeye xabbad isla dhacaya oo aan is bixinayn. Tan baa u baahan inad ka gubataan oo xalkeeda ka fikirtaan.

Soomaali Maxamedeey, Dhulku ilaalin idiinkama baahna, balse dadkaa ilaalin idiinkaa baahan!!!!!! Dhulka dadkii degi lahaa, ee cammiri lahaa, ee cadawga ka celin lahaa kol haddaynu laynayno, yaa ku noolaanaya?

ABWAAN XASAN DAAHIR ISMAACIIL (WEEDHSAME)

COMMENTS
LINKS