Shil Baabuur oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Duleedka Waqooyi Ee Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Baabuur oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Duleedka Waqooyi Ee Hargeysa
May 31, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Ugu yaraan Hal Qof ayaa ku dhintay, halka mid kalena ku dhaawacmay shil baabuur oo maanta ka dhacay duleedka waqooyi ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska ayaa ka hawlgalay shilkaas , waxaana ciidanku Maydkii iyo dhaawacii ba soo gaadhsiiyeen Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Halka qof ee shilka ku dhintay ayaa ahayd gabadh da’adeedu qiyaas ahaan ahayd labaatan jir, halka qofka dhaawacmay ahaa wiil dhalinyara ah, isla markaana dhaawaciisu sahlanaa kana soo gaadhay Lugta.

Gaadhiga shilkan sababay ayaa noociisu ahaa Bas ku sii socday Deegaanka Degmada Daara-salaam ee waqooyiga magaalada hargeysa, waxaana baskaas saarnaa rakaab badan. Ma jirin cid kale oo wax ku noqotay gaadhiga. Sababta shilka keentay ayaa ahayd in gaadhigaasi uu meel kala dheer joog ahaan sidaasina uu ku qallibmay.

Gudoomiyaha Degmada Daara-salaam iyo Gudoomiyaha Degmada 26 June ee Dawlada hoose Hargeysa ayaa iyaguna kala qayb qaatay ciidanka hawshaa samatabixinta.

Muddo hal todobaad gudahood ayaa ciidanka dab-demisku ka hawlgaleen shilkii labaad ee ka dhaca magaalada hargeysa.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS