Sheekh Dawlada Maraykanku Kala Noqotay Jinsiyada Oo Faah faahin Ka Bixisay Sobobta Uu U Ogolaaday Iyo Dhacdooyin Kale, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Dawlada Maraykanku Kala Noqotay Jinsiyada Oo Faah faahin Ka Bixisay Sobobta Uu U Ogolaaday Iyo Dhacdooyin Kale,
May 11, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Sheekh Maxammed Cabdiraxmaan. Kaariye oo dhawaan dawlada maraykanku shaacisay in ay dalku galkii kala noqotay wakhtigana ku sugan caasimada Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay sobobta uu u oglaaday in maraykanku kala noqda jinsiyada ayaa markii uhoraysay faah faahin ka bixiyay sidii ay wax udheceen iyo sobobta uu ogolaaday arintan.

Sidoo kale sheekhan ayaa ka waramay sidii ay wax ugu dhaceen iyo dhacdooyin kala duwan oo lagula kacay iyo sida looga sameeyay been abuur xad dhaafa.

Sheekha oo soo saaray qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ayaa soona gaadhay xafiiska warqabadka ee shabakada wararka ee Wajaalenews.net ayaa udhignaa Sidan;

Maxaan u Oggolaaday in Maraykanku La Noqdo Jinsiyaddayda?

Arrinka iga soo maray dowladda Maraykanku maaha mid lagu soo koobi karo qoraalkan; waayo waa arrin soo jiitamaysay 16 sano iyo 8 bilood, sagaal sano oo ka mid ah na aan ku jiray liiska xayiraadda Duulimaadka.Cinwaanka maqaalkan ayaan ka qaatay talo uu i siiyay Barafosoor aannu saaxiibnahay oo igula taliyay inaan u bixiyo buug aan ka qoro qisadayda, waxa kale oo taladan i siiyay qareen ka mida qareennadayada oo isna yidhi qisadaadu waxa ay mudantahay in buug laga qoro.

Calaa ayati xaal, waa sheeko dheer oo ku dawinan kumannaan xaashiyo oo laga qoray dacwadda uu Maraykanku ila maagganaa si la iigu rido xabsi aan ku dhammaysto inta nolosha iiga hadhay, waa sheeko warinaysa sidaanu ugu dhabar’daygnay dagaal arxandaran oo aan kala go’ lahayn oo ay hayado dhowra oo Maraykan ahi nagu qaadeen , laakiin ay ku fashilmeen, annagana Ilaahay na sugay, nagana badbaadiyay inaanu Diintayada ku iibsanno Doollaro iyo raaxada gaaban ee dunida.

Taa macnaheedu maaha inay arrimuhu sahlanaayeen, waxa ay ahaayeen maalmo qadhaadh oo naga soo saaray cirada gadhkayga ka muuqata, laakiin wax walba way ka fududyihiin xagga Ilaahay. Muslinkuna mar walba wuxuu beegsanayaa waa liibaanta aakhiro iyo raaxada Jannada ee waaraysa, Ilaahay ayaan ku mahadinayaa inuu i sugay , iguna kaalmeeyay xasillooni iimaaniya oo aan ku waajahay dowladda dunida ugu xoogga badan oo si walba iskugu dayday inay i liiciso iskuna dhiibo, iyadoo adeegsanaysa hanjabaad, cabsiin iyo cadaadis nafsaaniya.

Waxaa se Ilaahay mahaddii ah in kuwii muddaadaa dulmiga nagu hayay ay iyagu maanta isku madheen, Ilaahayna isku diray kuna salliday Taraam oo sumcaddii FBI da cagtamariyay!

Waxaan si kooban u dul mari doonaa waxyaabo akhlaaqdarro ah oo ka mida sida Maraykanku iskugu dayay inuu ii sameeyo dambiyo la igu maxkamadeeyo , la iina galiyo xabsidheer.

1-In ay ku andacoodeen inaan anigu u fatwooday, lacagna u ururiyay, jamaacadda na duco uga dalbay todoba qof oo ay dowladdu ku andcootay inay rabeen inay galaan Afgaanistaan sannadkii 2002dii; inkasta oo lix dadkaa ka mida la maxkamdeeyay kuwa ugu xabsi dheeraan lagu xukumay 18 sano, haddana dowladda Maraykanku waxa ay si foolxun ugu fashilantay inay arrinkan igu maxkamdeeyaan, laba ka mida oo ay u soo bandhigeen ina laga khafiifiyo xukunka 18 sano ah haddii ay igu furaan markhaati labaduba way diideen, waxaynna ka doorteen xabsigaa dheer oo midkood soo dhammaystay.Waxa ay ahayd dhirbaaxo weyn oo ku dhacday xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon iyo shaqaalihiisa daalimiinta ah.

2; Maraykanku waxa uu doonay inuu igu soo oogo dacwado midwalba ciqaabteedu gaadhayso tobonnaan sano, wayse ku fashilmeen.

3; Waxa la isku dayay in loo hanjbo dad laga dalbay inay markhaati beena igu furaan, waxa ka mid ahaa laba walaal oo mid Marookaan yahay, midna Falastiini ah oo markay diideen laga qaaday kaadhka degenaanshaha (green card), midkood xabsiga ayuu iga soo wacay (collect call) wuxuu ii sheegay inay ku yidhaahdeen Kaariye been ka sheeg ama kaadhkaa lagaa qaadayaa wuxuu doortay inaanu been ka sheegin walaal Muslina, labadoodaba waa la mustaafiriyay, waxaan Allaah uga baryayaa inuu adduunka ku siiyo nolol wanaagsan aakhirana ku arsaaqo Jannatul firdowsa.

4; Nin kale oo Carabana waxa ay u soo badhigeen inay siinayaan jinsiyadda Maraykanka hadduu been iga sheego isna wuu ku diiday.

5; Maraykanku wuxuu isticmaalay dowlad kale si ay u helaan markhaati beena oo la igu maxkamadeeyo, qof Muslina oo soo i

Islaamay ayaa lagu sameeyay Jidhdil. Laakiin, walaalkaasi siduu ku sheegay waraysi ay ka qaaday warbaahinta dalka Iswiidhan, kuna qoran dacwad uu ka dhiibay dowladda Maraykanka wuu diiday inuu sheekhiisa been ka sheego, Allaah ayaan ka baryayaa inuu kuwii jidhdilay ku cadaabo naarta Jahannamo.

6; Walaal Soomaaliya oo wax ka baranayay dal Carbeeed ayay ugu tageen dalkuu joogay, kana waraysteen aniga iyo laba sheekh oo Soomaaliya oo caana kana mida kuwa ay Soomaalidu aad u dhagaysto duruustooda, waxayna ka dalbeen inuu jaasuus u noqdo, laakiin wuu ka diiday, ka mana qarin inuu i yaqaanno, saaxiibna nahay, markiiba waxay u sheegeen in lagu daray dadka aan ku safari karayn hawada Maraykanka, Kanada ayuu is yidhi soo gal, deetana diyaaraddii uu la socday ayaa qasab lagu fadhiisiyay, ninkii waxaa oo dhan lagu sameeyay muddo gaaban ka dib ayay soo daayeen, sow riwaayad maaha!

7; Basaas u dhashay dalka Masar ayay ii soo direen oo muddo ka hawlgalay masaajidka aan imaamka ka ahaa, laakiin way ku fashilmeen, wuxuu iska dhigay inuu ka ganacsado hubka lacag jabana igaga iibinayo qore, waan ka diiday, sidoo kale waxaan u sheegay in intaan Maraykan joogay qori iyo bastoolad midna u iibsan xitaa si sharciya, taqriiban wiig ka dib ayuu igu soo noqday isagoo leh dhulweyn ayaan leeyahay ee aynu ku soo dhoogtanno waan ku diiday. Waxa cajiiba in ay basaaskan ugu ballanqaadeen inay ka cafiyaan dambiyo daroogo ah oo ay ku haysteen hadduu na basaaso, muuddo ka dib ayuu farriimo kaga tagay telefoonka masaajidka, wuxuunna sheegay in lagu qasbay inuu aniga been iga sheego, bal eeg akhlaaqxumida Hay’adaha dambibaadhka Maraykanka, ku waasi ayaa sheeganaya inay nadiifyihiin.

8; Tan baa ugu daran ee bal iyadana eeg, taqriiban 2003 ayaa maalin ka dib markaan akhriyay khudbaddii jimcaha ayaa waxa i salaamay nin caraba oo isku sheegay Hishaam Abuu Subayda, wuxuu ii raaciyay inuu yahay Abuu Subayda walaalkii, markiiba waan iskaga dhaqaaqay, dareemayna inay wax qaldanyihiin, waayo abuu Subayda waa ninkii koowaad ee ka mida Qaaciidada ee Maraykanku ku qabteen Baakistaan qaraxyadii 2001dii, warkiisana aad iyo aad loogu sheegayay warbaahinta caalamka. Muddo ka bacdi ayuu Hishaam afka furtay markay dowladdu ka baxday ballamihii ay u qaaday oo ay ka mid ahayd inay siiyaan kaadhka deggenaanshaha, wuxuu tafaasiil mug leh ka bixiyay siday FBI ugu soo dirtay inuu aniga iyo masaajidka basaaso, laakiin uu u caddeeyay in waxay u sheegeen been iyo masabbid tahay, intuu uu na basaasayayna arkay in masaajidku aanu ahayn xero lagu tababbaro mujahidiin, lacagna looga ururin.

9; Taqriiban 17 sano ayay dowladda dunida ugu weyni ku fashilantay inay igu hesho dambiyaday doonaysay oo ciqaabtoodu gaadhayso xabsi daayin, iyo madaxaa ha ku furto, bal adba caqli baadleedahay fahan ammuurtan.

10; Shaki kuma jiro in fashilkan ku hoobtay Hay’adaha igu daba jiray fadeexadeeyay saraakiil sarsare oo is lahaa sallaanka dallacaada ku kora inaad maxkamdaysaan Ina Kaariye, sidaa awgeed ayuu isku casilay madaxii FBI ee gobolka Oregon Jaarles maasiyoo oo ahaa ninkii bilaabay kiiskayga. Waxana dhaba inuu arrinku isku baddelay shakhsi (personal) iyo aargoosi.

11; Baadhitaankan waxa lagu bixiyay malaayiin Doollarro ah oo laga khasaariyay lacagta dadweynaha ee cashuurta ay bixiyaan lagu shaqogaliyo shaqaalaha dowladda ee ay ka mid yihiin FBI du.

12; Waxa laga qoray kumaannaan qormooyin iyo warbixinno, waxa laga duubay boqolaal saacadood oo coda oo iskugu jira hadallo si qarsoon la iiga duubay, khudbadahayga jimcaha iyo duruustayda.

13; Baadhitaankan jinsiyadda waxa ka qayb qaatay hayado dhowra, waxa uu si toosa u horyaalay xubno sare oo ka mid ah Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ( wa haddayba caddalad yaqaanaane) waxaanna gacanta ku hayay afar sarkaal oo fadhiya caasimadda Waashington, in kastoo kii bilaabay ka baxay sababo caafimaad oo aad u daran awgeed, sida ay noo sheegeen.

14; Siduu yidhi qareenka caanka ah ee Stanley Cohen, dowladda Maraykanku waa ” Seven hundred bounds gorilla” oo macanheedu yahay Gooriille toddoba boqol oo rodol ah oo laabta kaaga fadhiya, hanti iyo awoodba waxa ay u leeyihiin inay ku bixiyaan dagaalka qaanuuniga ee ay kula jiraan culimada iyo hogaanada muslinka ee ay ku asteeyaa waxay ula baxeen argagxisada iyo xagjirka diiniga ah.

Ma anigaa been sheegay mise iyagaa been sheegay?

Wargeys cunsuriya oo ka soo baxa magaaladaan degganaa ayaa qoray inaan xog qaldan siiyay Maraykanka markii aan qaadanayay jinsiyaddooda, saxafiga qoray waa mid ku talaxtagay Muslimnacayb, se waxa dhaba in warkiisu yahay hal bacaad lagu dhisay oon ka qaawan xujo iyo daliil, arrinka saxina waa sidan; ” Warqadda codsiga ee jinsiyadda waxa ku yaal qodob odhanaya hore ma laguu xidhay inaad jabisay sharcidowladeed, jawaabtaan bixiyay waxay ahayd maya inkastoo sanadkii 1993kii la igu xidhay dalka Baakistaan, sababtuna waxay ahayd in gardarro la ii xidhay, bal xidhataankayga uu ku yimid sidaan is leeyahay amar ay dowladda Maraykanku siisay dowladda Baakistaan oo ahaa in xabsiyada loo taxaabo dhallinyaradii muslinka ee ku noolayd magaalada Biishaawar.

Si Islaamnimada ka baxsan ayaa loo raafay, aniga iyo inan Aljeeriyaana ayaa isku raacnay xafiiska socdaalka si aannu u qaadanno warqadda bixitaanka, way diideen inay Fiisaha noo kordhiyaa iyo inay noo oggolaadaan inay na siiyaan bixitaan midna, waxa ay markiiba noo taxaabeen saldhigga Boliiska oo aannu habeen u hoyannay iyagoo na siin furaash iyo gogol midna, aroortii ayaa noloo taxaabay xabsi uu gumaystihii Ingiriisku dhisay, waxayn na galiyeen Hoolweyn oo ay ku jiraan 110 maxbuus iyagoon na sii gogol, laakiin maxaabiista qaarkood ayaa noogu deeqay gogol, Muslin waa Muslin ,Ilaahay ha ka abaalmariyo.

Walaal xaafidul Qur’aana oo Urduniya ay noo dadaalay. Laakiin, wuxuu noo sheegay in Qaaddiga Maxkamadda la siiyo lacag si laguu keeno Maxkamadda, haddii kale halkaasi ayaad waligaa ku jiraysaa, lacagtii ayay siiyeen , maxkamadda sharcidarrada ahayd iyo qaadigii daalimka ahaa ayaa la ii horkeenay wuxuuna igu xukumay Mustaafiris.

Bal ii sheeg sharciga dowladeed ee aan jabiyay ee la igu xidhay, amar Maraykana ayaa la igu xidhay waxayna doonayaan inaan jabiyay qaanuunkii, iyagaa qaanuunka marwalba jabiya oo soo far galiya afaarha iyo amuuraha dowladaha iyo shucuubta ay u xoog sheegtaan.

Sidaa awgeed ayaan ilaa iminka rumaysanahay inaan runta sheegay markaan qodobkaa kaga jawaabay maya.

Tusaale kale, magaaladan Hargeysa een Joogo waxa sanadkii 1978 la igu xidhay saldhiga Booliska ee ku yaala badhtamaha magaalada, waxa aan ahayn dhalinyaradii Waxdada oo sirdoonkii Nabad Sugidda loo yaqaanay soo taxaabay, waxa habeen saqbadhkii naloo wareejiyay xaruntii nabad sugidda ee ku taalay dhakhtarka gadaashiisa ee dhinaca shacabka, iyada oo ay dhaxan tahay oonu xidhannahay dhar khafiifa ayaa inta nala fiigay oo gacmaha iyo luguha laysku xidhay, oo waliba qoryo nala dul joogo ayaa biyo qobow korka nagala shubay.

Hoggaankii sirdoonku wuxuu yidhi; ” Waxa aad ku dhacdeen dambiyo khatar ku ah badbaadada Qaranka, oo waxaad xubno ka tihiin urur qarsoodiyada, waxay isku dayeen inaanu qiranno dambiga ay sheegayaan. Laakiin, waanu ku gacansaydhnay.

Haddaba ma lagu doodi karaa xabsiga Hargeysana waa qariyay, jawaabtu waa maya, waayo dee umaaan haysan iminkana uma haysto inaan shacri xalaala jabiyay, runtuna waxay tahay kuwii na xidhay ee dhibta u gaystay inamo yar yar oon labaatan jirba gaadhin ee ku haystay diin baad barataan ayaa sharciga jabiyay!!

Gumaystuhu siduu doonuu u qeexaa sharciga iyo qaanuunka, ninka la gumaysanayo ee xaqiisa rabaana si xalaala ayuu sharciga u fasiraa, sidaa awgeed waxaan leeyahay iyagaa beenalayaal.

Anaa dalbay inaan Jinsiyadoodda u celiyo

1- Siday dowladdu ogtahay , qareenkayguna markhaati ka yahay anigaa dalbay inaan jinsiyadda iska celiyo, qareenadayda oo dhami waxay igula taliyeen ha celin, qaaddiga laftiisu wuxuu yidhi maxaad uga tanaasulaysaa jinsiyaddaada, saaxiibbo badan ayaa sidaa igula taliyay, laakiin naftaya iyo damiirkayga ayaa sidaa murtaax ku ahaa.

Qaanuunka Maraykanku wuxuu dhigayaa inaan qofna jinsiyaddiisa celin karayn isagoo Maraykan dhexjooga, sidaa awgeed la iima oggolayn safarka diyaaradda, dalka Kanada way diideen inaan dalkooda soo galo ilaa aanu Maraykanka kala baxno, inaan Markab ku safro iyo inaan Mexico sii maro labadaba qreenka ayaa ka dayriyay oo yidhi si aamusan ayaa lagaaga takhallusi doonaa.

3- Qaabka kaliya ee ii furnaa waxa weeyi inay iyagu la noqdaan aniguna aan taasi ogolaado, dacwadna ka keenin, sidaasi ayaa ku qoran heshiiska .

4- Haddii kiiskoodu xoogleeyahay maxa ay u oggolaadeen inaan ku safro Baasaboorkooda oon iminka gacanta ku hayo una dirayo.

5- Waxa gacanta iigu jira oon isna u dirayaa warqad la yidhaa “Record of Abandonment of Lawful Permanent Resident Status” oon saxeexay 5/8/2019 anigoo joogay Hargeysa.

6- Taasi macnaheedu waa inaan anigu si xor ah oo ikhtiyaara uga tanaasulay iskana celiyay “Deggenaashaha Sharciga ah.”

7- Ugu dambayn markaanu dhammaysanay heshiiska ka hor intaan la saxeexin ayuu qareenka dowladdu soo codsaday in heshiiska lagu daro qodobkan “this agreement is in a favor of the United States of America and against Mr. Kariye”, waan ku gacan saydhay oo aan diiday, sidii ayay uga saareen, kuna ogolaadeen.

8- Maxay dowlaadu u oggalaatay waxyaabo badan oo muujinaya inuu kayskeedu jilicsan yahay, dadka qaanuunka darsaana soo faqi doonaa tooshna ku iftiimin doonaan. In badan ayaan isweydiinaya, talow ma saraakiil sar sare ayaa qaanuunka jabisay intay ku dhex jireen baadhitaankayga oo iyagaa la qarinayaa, sidaana ay ugu degdegayeen inaan sidii ugu dhaksaha badan uga tanaazulo jisiyadda. Mise qorsho kale ayay ila damacsan yihiin hadda.

Gebagabo

1- Kollay dowladdu ku farximayso qoraalkan, runtiina waxa talo la igu siiyay inaanu sidaa ku kala khaatumaysano Maraykan, laakiin waa waajib inuu Muslinku gartiisa sheegto, waxaan is idhi gartaad ka wayday maxkamadaha Maraykan ku naqso Baraha Bulshada, walaaladaana la wadaag xaqiiqada jirta ee warbaahinta Maraykanka iyo dabadhilfkooda soomaalidu ka been sheegeen.

2- 17kaa sano ee aan la soo tacaalay dhibta ay ii gaysatay dowladda Maraykanka waxaan u arkaa camal suubban oo aan rajaynayo inuu Ilaahay iigu cusleeyo miisaanka xasanaatka maalinta Qiyaamaha.

  1. Kama murugoonayo wixii i soo maray, haddii maanta laygu baddeli lahaa malaayiin doolaro ah iyo raaxda adduunkana (Ilaahay baan ku dhaartee) kumaan beddesheen, hadday rag raasamaal adduunyo urursadeen oo faraqa ka buuxsadeen, anigana waa kan raasamaalkaygu oo aan Rabbigay ka baryayo inaan abaalkiisa ku helo jannatul Firdowsa iyo raallidiisa, rajo weyna baan ka qabaa Rabigay.

4 Kollay cimriga intii tagtay ayaa ka badan inta hadhaye , waxa aan Rabbi ka baryayaa inuu i sugo inta hadhay, iguna arsaaqo khaatimada aan hadh iyo habeenba ka baryo.

  1. Waxaan qalbiga iyo carrabkaba uga mahadcelinayaa walaalaha daafaha dunida ku kala nool ee sida walaaltinimada ah ii taageeray iguna soo harqiyay weedhaha qalbiga xoojinaya casiimadana dhisaya.
  2. Sida aan ku sheegay khudbad jimce oon sanadkii 2008kii ka akhriyay masaajidka weyn ee Abuubakar Siddiiq ee magaalada Miniyaabolis, kuna sheegay khudbado dhowra oon ka akhriyay Masaajidkii aan imaamkaa ka ahaa,waxa aan wali leeyahay muslimiinta iyo dhallinyarda ku nool Maraykan iyo Galbeedkuba ogaada inaad dhulkaa ku joogtaan cahdi iyo ballan, oo ayna idiin banaanayn inaad wax yeeshaan dadka aad la nooshihiin ee gaalada ah, iyagaa ammaan iyo nabad idin siiyay ee ha ka bixina ballantaa aad la gasheen,

hadalkani nagama aha munaafaqo ee waa mowqifka fiqiga ah ee saxa .

8-Diintiina iyo astaan ummadeedkiina ilaashada oo ku fara’adayga caqiidadiina, iskana ilaaliya siyaabaha lagu beddelayo asalada caqiidadiina iyo arkaanta diintiina.

  1. Qof walba oo muslina wa aaan saamaxay, mooyaana gaalo raaca na basaasayay iyagoo salaadda nagu daba tukanaya, khudbadaha jimcaha nala soo xaadiriya, waxaan ku leeyahay Allaah ayaa idin hoojiyay, aakhirna waxa inoo ballana Ilaahay hortiisa.
  2. Kuwii na jirabay ee na dulmiyay ee ka mida dowladda Maraykanka waxaan iyagana ku leeyahay, Maxkamadda Ilaahay ee caadilka ah ayaan inoo ballana maalinta qiyaamha idinkoo ka qaawan xoogga aad maanta sheeganaysaan, waxaanan hubaa in kuwo badan oo idinka mida ama dhamaantiinba aad inta nolosha idiinka hadhay ku dambayn doontaan cudur nafsaaniya iyo raaxola’aan idinka goysa dulmigaad gaysataan.

 

وعند الله تجتمع الخصوم

QALINKII Sheekh . Maxammed C. Kaariye.

COMMENTS
LINKS