|
|||||
WAJAALE NEWS
“Shacabkuna Wuxuu U Baahanyahay Inaan lagu Xad Gudbin Xuquuqda Muwaadinka Iyo Xoriyada Asaasiga ah Ee Shakhsiga”Siyaasi Duur,
May 2, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Siyaasi Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo kamida siyaasiyiinta qunyar socodka ee xisbiga wadani hore usoo noqday wasiirka arimaha gudaha xukuumadii Axmed siilaanyo ayaa si Cilmiyaysan uga hadlay falkii foosha xumaa ee lagu dilay taliyiihii iyo taliye kuxigeenkii Degmada Gar Adag ee gobolka sanaag iyo xukun deg deg ah ee xukuumadu shaacisay in ay kusoo rogtay degmooyinka Gar adag, Ceergaabo iyo Ceel afwayn, Sidoo kale siyaasi duur ayaa ka dareen celiyay fadhigii saaka ee labada gale baarlamaan iyo ay uga falceliyeen dalabkii xukuumada. Siyaasi duur ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee Facebookga wuxuna udhignaa Sidan; Xukuumada Waxay u baahantahay : Inay Nabadgelyada Sugto iyo Gacangelinta Danbiilayaashii Dilkii saraakiisha gaystay iyo danbiile kasta oo gaysta fal kasta oo sharciga ka hor imanaya . Shacabkuna Wuxuu u Baahanyahay : Inaan lagu xad Gudbin Xuquuqda Muwaadinka iyo Xoriyada Asaasiga ah Ee Shakhsiga . Labadan midna uma baahna Ansixinta xukun deg dega . Markaa golaha go’aankiisa cidna yay sharaysan . SIYAASI MAXAMED NUUR CARAALE DUUR
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|