|
|||||
WAJAALE NEWS
Seddex Arrimood Oo Cajiib Ah Oo Madaxwayne Uhuru Kenyatta Uu Sameeyay Markii Uu Masaajidka Galay!
May 31, 2019 - Written by Editor:Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa xalay gudaha u galay masaajidka Jamia oo ah kan ugu wayn Kenya ee la dhisay 1925-tii. Madaxweynaha ayaa la afuray Muslimiin badan oo isugu tagay Masaajidka. Balse dowladdiisa waxaa horey loogu eedeeyay in Muslimiinta ay bartilmaameedsanayaan iyadoo adeegsanaysa “argagixiso la dagaallan”. “Markii ay dhibaato dhacdo, ma aysan geysan Muslimiin ama Masiixiyiin, balse waxaa ka dambeeyo burcad”, ayuu Kenyatta u sheegay Muslimiintii ku sugnayd masaajidka isagoo taagnaa mimbarka. Hadda madaxweynaha ayaa arrimo cajiib ah sameeyay: Kabaha ayuu iska siibay Markii uu gaaray masaajidka, wuxuu iska siibay kabaha wuxuuna u gudbay meesha waysada. Waxay u muuqatay in uu fahamsanaa sida loo waysaysto. Uhuru oo aan Muslim ahayn, waxaa masaajidka kusoo dhoweeyay qaar ka mid ah culimada, siyaasiyiin iyo dad kale oo aad u badan. Waxaa wehliyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada oo qaarkood ay yihiin masiixiyiin. Sidoo kale waxaa la socday Maayarka magaalada Nairobi. Maamulaha masaajidka, Sheekh Maxamed Warfaa ayaa sheegay “Waa markii ugu horeysay ee taariikhda Kenya oo madaxweyne xil haya uu masaajid gudaha u galo. Wuxuu albaabo cusub u furayaa midnimada dalka”. Markii la aadimay, wuu afuray, isagoo dhankiisa midig uu ka muuqday xildhibaanka laga soo doorto Garissa Adan Barre Ducaale oo sidoo kalena ah hoggaamiyaha golaha Aqlabiyadda ee Baarlamaanka Kenya. Salaadda Maqrib ayuu Tukaday; Ka dib markii uu waysaystay wuxuu usii gudbay qeybta hore ee masaajidka, wuxuuna galay safka ugu horreeya. Wuxuu kormeer ku sameeyay qeybo ka mid ah masaajidka sida madxafka iyo telefishin uu masaajidka leeyahay oo lagu magacaabo Horizon oo dhismaha masjidka ku dhex yaalla. Uhuru Kenyatta waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya ee gudaha u gala masaajid, inkastoo dad badan ay arrintaan u arkaan mid aan habbooneyn. Balse, markii la aqimay ayuu sida dadkii kale ee masaajidka ku jiray, wuu istaagay, wuxuuna la tukaday muslimiintii. Dadka waxay aad u hadal hayeen sida uu u garanaay salaadda iyo arkaanteeda. Waxay u ahayd markii ugu horeysay ee uu sujuuday. Kitaab Quraan oo hadiyad ahaan loo siiyay; Uhuru Kenyatta oo xirnaa khamiis ayaa la siiyay kitaabka Quraanka Kariimka ah oo uu ku gudoomay gacanta bidixda. Wuxuu gacantiisa kale ee midigta ku salaamayay Sheekh Maxamed Warfaa oo hadiyadda siiyay. Uhuru Kenyatta oo la gudoonsiiyay Kitaab Quraan ah Madaxweynaha Kenya ayaa dadkii ku cibaadeysanayay masaajidka ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan mideynta dhammaan shacabka Kenya, wax kastoo ay yihiin. “Waan ku faraxsannahay inaan nahay dad kala duwan oo qowmiyado badan ah, oo diimo kala duwan haysta”, ayuu yiri Kenyatta. Adan Barre Ducaale oo Kenyatta ku wehliyay booqashada masaajidka ayaa sheegay in madaxweynaha ay kala hadleen arrimo badan sida in jaamacadda Muslimiinta ee Ummah ee ku talla Nairobi lagu daro kuwa ugu sareeya dalka Kenya iyo in maalinta ciidul Adxa laga dhigo maalin fasax ah. Haddaba maxaa ka dhashay Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa arrintaas si kala duwan u arkay. Qaar ka mid ah waxay ku tilmaameen tallaabo wanaagsan halka kuwana ay u arkaan in ay tahay arrin laga haboonaa in Uhuru Kenyatta uu galo masaajidka.
Related posts:Guddoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Kulmiye Loo Doortay Oo Ka Hadlay Khilaafka Dhex Yaalla, Inay Laba... DAAWO ;Maxaa Ka Oohiyey Qoysaskan iyo Qurbajoogtan? Barnaamij Qiiro leh oo ka hadlaya Nolosha Dhabta... Masuuliyiin Katirsan Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Waxka Qabato Ceelal Biyood Jabay E... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|