|
|||||
WAJAALE NEWS
Oday 81 Jir Ah oo Cuntooyinka Afurka Ku Iibiya Hargeysa
May 17, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Inuu qofka shaqeysto oo uu cuno wixii uu muruqiisa kula soo baxay ayaa ah sharaf, waxaase jira xilli qofka uu howlgab noqdo. Arrintaasi dadka qaar kama hor istaagto inay weli sii shaqeystaan, sida Cumar Cabdullaahi Samatar oo ah 81 jir ah oo ku nool magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaas oo uu ku heysto meherad yar oo xilligan aynu ku jirno bisha barakaysan ee Ramadaan uu ku diyaariyo af-furka ay dadku cunaan. Cumar Cabdullaahi ayaa ka warramay cunntooyinkii waagii hore ay Soomaalidu ku soomi jirtay ama ku af-furi jirtay oo uu ku sheegay inay ka nafaqo badnaayeen cuntooyiinka maanta dadka ay isticmaalaan. “Berigii hore, waxaa uu dadku ku noolaa amaba uu cuni jiray cad iyo caano. dalagga la beerto sida hadhuudhka” ayuu yidhi Cumar Samatar. Iyadoo nolosha miyiga iyo midda magaalada uu farqi weyn u dhexeeya, waxaa uu u sheegay in dadka reer miyiga ay ku nool yihiin nolol adag gaar ahaan marka ay timaaddo xilligga af-furka. Waxaana kala duwana wakhtiyadii la af-furi jiray waaggi hore ee Soomaalida iyo xilligan casriga ah. “Dadka xoolo dhaqatada ayaa badnaa, saacadna ma aanay heysan, inta badan waxay eegi jireen xaadda dhudhunkoodu ku taalla marka ay sidaa u eegaan ay arki waayaan ayay cabi jireen haddii ay biyo heystaan iyaga oo aanan sidan waxey ku afuraanba”, ayuu yidhi Cumar Samatar. Howsha uu qabto Cumar Cumar waxaa uu gudaha magaalada Hargeysa ku leeyahay mehrad yar oo uu ku iibiyo cunntooyinka lagu afuro bishan Ramadaan, waxaana marka la gaadho xilligga afurka goobtiisa buux dhaafiya dad badan oo doonaya in ay afuraan. Waa nin odey ah, haddana waxaa uu sameystay fikrad ganacsi si uu u maareeyo noloshiisa. “Halkan waxaan ku diyaariyaa timirta, sambuuska, Liinta iyo wixii kale ee aan heli karo. Dadkaas barakeysan ee kheyrka qabo ee sooman ayaa iga iibsada, Alxamdulilaah aniga waan ku noolahay”, ayuu yidhi Cumar Cabdullaahi. Waxaa gabaabsi ku yimid khudaartii iyo dalaggii laga soo saari jiray dhulka soomaalida aabaraha jira darteed, waxaana inta badan laga keenaa dalalka dibadda, sida uu qabo Cabdullaahi. Cumar waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in dadka ay si weyn u qaddariyaan maadama uu yahay nin waayeel ah. Sababta ku kalliftay inuu bilaabo ganacsiga waxaa uu ku sheegay inuu ka cararay dawarsiga ama inuu dad wax weydisto. “Waxa igu kalifay in aan ganacsado oo aan shaqaysto; in aan gidaar fadhiisto diiday oo aan yidhaahdo inkaar qabihii ayaa wax i siin waayay. Qofku waa inuu shaqeeyaa inta uu dhaqaaqi karayo”, ayuu yidhi Cumar. Ninkan ayaa sheegay in aanay jirin baahi la tilmaami karo oo ku kaliftay in uu da’daas ku shaqeeyo, hasayeeshee waxaa uu doorbiday inuu cunto wax uu isagu xoogsaday si u maareeyo nolosha qoyskiisa. Waxaa uu ku dhiirageliyay dadka da’diisa ah ee soomaalida ah inay dhaqdhaqaaq horumarineed sameeyaan si ay u gaadhaan isku filnaan dhanka nolosha ah.
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|