Maxaa Keenay In Xukuumada Madaxwayne Biixi Waji Gabax Kala Kulanto fadhigii Maanta Baarlamaanka Iyo Dareenada ku Gedaaman! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Keenay In Xukuumada Madaxwayne Biixi Waji Gabax Kala Kulanto fadhigii Maanta Baarlamaanka Iyo Dareenada ku Gedaaman!
May 2, 2019 - Written by Editor:


HARGAYSA(W,N)-Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa Maanta gaashaanka U daruuray, dalab uga yimi madaxweyne Muuse Biixi cabdi oo ahaa inay ansixiyaan XEER uu madaxweynuhu xukun deg deg ah ugu soo rogay qaybo ka mid ah gobolka sanaag. Arintan ayaa si wayn doodeedu uga dhex socotay bulshada reer Somaliland taasi oo laga hadal hayay oo maanta saamaysay guud ahaan geyiga Somaliland, iyadoo lagu qaadaa dhigaya goobaha ijtimaaciga ah ee dadwaynuhu iskugu yimaadaan. Waxayna la is waydiinayay maxaa sababay in madaxweyne biixi xukun deg deg ah soo rogo iyadoo gobollka sanaag ay wakhtiyada qaar ka jireen xaalada abni daro oo ka daran tan maanta xukuumada madaxwayne biixi u cuskatay kana dhalatay dilkii labad sarkaal,
Madaxwayne bixi ayaa isagu labada gole ka dalbaday fadhi aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo xukunka deg deg ah.
Fadhigii maanta ee baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa kasoo baxay dareen ka duwan kii ay xukuumadu qabtay kaasi oo badi mudanayaasha labada gole kasoo horjeesteen ansixinta xeerkaasi oo kaasi markii 40xildhibaan ogolaadeen balse aan wali la qaadin codka inta diidan uu gudoomiye baashe oo saluug ka muujiyay codka xukuumada heshay uu ku dooday in dib loo tiriyay balse taasi ay keentay buuq iyo saxawan golaha a dhex bilaabay ay sobobtay in gudoomiye baashe si deg deg ag ugu dhawaaqo fadhi waa xidhan yahay islamarkaana uu dibada uga baxay golaha ayna sobobtay in fadhigii goluhu sidaa ku xidhmo
Dareenka uu madaxwayne biixi kala kulmay labada gole ee ugu sareeya Somaliland ayaa waji gabax ku noqotay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay muuse biixi oo tani ahayd arintii ugu horaysay intii uu xilka hayay ee uu ka dalbaday golaha baarlamaanka Somaliland balse ku dhamaatay hungo ,
Dada siyaasada somalililand udhuun daloola ayaa gaji gabax xukuumadu kala kulantay fadhigii golaha la xidhiidhay dhowr arimood in ay keeneen in xukuumadu tageero kaga wayday golayaasha guurtida iyo baarlamaanka kuwaasi
1; Xidhiidhka madaxwayne muuse biixi iyo mudanayaasha labada aqal!
Siyaasada madaxwaynaha Somaliland dalka ku hogaaminayo oo ah mid xidh xidhan islamarkaana meesha ka saartay wada shaqaynta sharci dajinta iyo guurtida
2; saamaynta masuuliyiinta xilalka qaranka haya oo gabi ahaanba aan ahayn mid furfuran oo kasban karta in wasiirada madaxwayne biixi magacaabay aanay xataa kalsoonida xildhibaanka ay isku beesha yihiin aanu haysan,
3; qaabkii xukuumadii hore u wada shaqayn jireen golayaasha guurtida iyo wakiilada oo meesha ka baxay iyo madaxwayne biixi oo ka baydhay dadnihii xukuumadu codka kaga badalan jirtay mudanayaasha oo isna meesha laga saray
Mudayaasha labada gole oo ka rajo dhigay xidhiidhka ka dhexeeya madaxtooyada iyo muhiim ah oo aanay xiligan ku arkayn kulamada lala yeeshay madaxwaynaha haday tahay mid shaqsiyeed, mid xil doon iyo dhaqaaleba .
Qododaban aan kor ku soo xusay iyo kuwa kale waxay gundhig u yihiin guuldaradii xukuumada madaxwayne biixi kala kulantay fadhigii labada gole ee maanta.
Dhanka kale fadhiga labada gole ayaa ka duwanaan kuwii hore looga bartay xildhibaanada labada gole iyadoo fadhigan uu ahaa mid lagaga dalbanayay ansixin xukun deg deg ah oo lagu soo rogay qaybo kamid gobolka sanaag
Aragtiyaha qaar ayaa sobobta xukuumadu ugu fashilantay fadhigii golaha la xidhiidhiyay in arintani aysaamansay mudanayaasha kasoo jeeda gobolada togdheer, sool iyo sanaag oo baarlamaaka Somaliland ka ah majoorati una arkayay xukunka lagu soo rogo sanaag in barina lagu soo rogi karo sool iyo togdheerba uuna yahay mid leh halistiisa
Halka xildhibaanada qaar ay u arkayeen in xukunkan deg deg ah lagu xalaashanayo cabudhinta qaybo kamid bulshada ama deegaano gaar taasi oo iyana keentay in ay sii xoogaystaa tirade xildhibaanada diidan xeerkan haday tahay mucaarid iyo muxaafidba kuna khasabtay in meel ay uga soo wada jeestaan.
Wallow mudanayaasha golaha guurtida oo aan waligood looga baran sidii doonaba hali kasbadee hadana arintani waxay banaanka keentay awooda siyaasadeed ee xukuumada madaxwayne biixi
Xogoha laga helayo xubno ka agdhow xukuumada ayaa iyagu u dooday in meelmarinta xeer loo xil saaray gudoomiye baashe iyo dhowr xildhibaan oo kale loona dhiibay dhaqaale aan buurnayn oo loogu talo galay ololaha mooshinkan balse ay arintaasi ay ku guuldarasyteen xubnhii gadhwadeenka ka ahaa
Sikastabah ha ahaatee waji gabax xukuumada madaxwayne biixi kala kulantay baarlamaanka Somaliland ayaa umuuqata mid banaanka keentay awood daran madaxwayne biixi iyo fur furanaan la,aanta siyaasada uu dalka ku hagayo taasi oo laga cabsi qabo in ay soo dedejiso mucaridad xoogan oo ay la kulanto iyo fashil sobobi kara in ay mudo xileedkeeda dhamaysan kari waydo
Waxaase laga war sugu doonaan siyaasada ay xukuumadu marlabaad kusoo waajahdo mudanayaasha labada gole iyo fadhiga ay xukuumadu damacsan tahay in maalinta sabtida ah layskugu yimaado fadhi kale oo aan caadi ahayn,
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
WAJAALE STAFF.

COMMENTS
LINKS