Maraakiib Imaaraadka Leeyahay Oo La Weeraray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraakiib Imaaraadka Leeyahay Oo La Weeraray.
May 13, 2019 - Written by Editor:

Afar markab oo ganacsi ah ayaa ayaa lagu qaaday “weerar lagu minjaxaabinayo” iyaga oo maraya meel u dhaw biyo xadeedka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka.

Weerarkan la sheegay ayaa ka dhacay Gacanka Cumaan, sida lagu xusay warka Imaaraadka ka soo baxay, balse wasaaraddu ma aysan faahfaahin qaabka uu weerarkaasi u dhacay.

Ma jirto cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay.

Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda ka taagan aagaas oo marin u ah shidaalka, maalmihii u dambeeyayna Maraykanka ayaa aagaas u diray maraakiib dagaal oo dheeri ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa isku dayga weerarkan minjo xaabinta ah ku tilmaantay “halis soo korodhay” beesha caalamka ayayna ugu baaqday “in ay ka hor tagto ficilo noocaas oo kale ah” oo mustaqbalka dhaca.

Horraantii Axaddiina madaxda magaalada Fujairah ee dalka Imaaraadka ayaa diiday warar ay saxaafaddu qortay oo sheegay in uu qarax ka dhacay dakadda.

Weerarkan Imaaraadka ka soo yeedhay ayaa imaanaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Iiraan oo ay daris yihiin iyo dalka Maraykanka oo toddobaadkan geeyay maraakiib dagaal oo uu ugu yeeray “tilmaan dhab ah oo muujinaysa” halista ciidammada Maraykanka ee gobolkaas ku sugan kaga imanaysa dhanka Iiraan.

 

COMMENTS
LINKS