Madaxweynihii Hore Ee Nigeria oo Booqasho Ku Yimid Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Hore Ee Nigeria oo Booqasho Ku Yimid Somaliland
May 5, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxa lagu soo dhaweeyay Olusegun Obasanjo oo Dalka Nigeria Madaxweyne ka soo ahaa 1999 illaa 2007-dii.

Madaxweynihii Hore Ee Nigeria Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

Olusegun Obasanjo ayaa Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa waxa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan-Saylici iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Siyaasigan oo caan ka ah Qaaradda Afrika isla-markaana lagu Xasuusto inuu Talada Dalka Nigeria oo uu muddo dheer gacanta ku hayey u wareejiyey si dimuqraadi ah, ayaa la sheegay inuu Somaliland ku yimid Casuumad uu ka helay Xukuumadda Somaliland.

Obasanjo ayaa la filayaa inuu Saacadaha soo socda kulan la yeesho Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasigan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba bilood gudahood ah Somaliland ku yimaadda booqasho, waxaana sidan oo kale booqasho ugu yimid Wasiirka Arrimaha dibedda Eriteria

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS