|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku-xigeenka Jsl Oo Hadyaddo Kala Duwan Guddoonsiiyay Arday Da’da Yar-yar Oo Ku Tar-tan-tay Qur’aanka Kariimka Ah Iyo Axaadiistii Nebigga (NNKH).
May 22, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hadyaddo Kala Duwan Guddoonsiiyay Arday Da’a Yar-yar Oo Ku Tar-tan-tay Qur’aanka Kariimka Ah Iyo Axaadiistii Nebigga (NNKH). Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay munaasibad ballaadhan oo lagu abaal-marinayay arday da’a yar-yar oo ku tar-tantay musaabiqadda Al-waxyayn ee qur’aanka kariimka ah iyo axaadiistii rasuulka NNKH. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ardaydaasi ugu hambalyeeyay guushaasi ballaadhan ee ay soo hoyeen isla mrkaanna kula dar-daarmay inay ilaaliyaan kuna camal falaan kalaamka alle ,waxaana halkaasi ardayda ku guulaysatay lagu guddoonsiiyay baabuur, dahab iyo had’yaddo kala duwan oo qaali ah. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Daawo:Raysal Wasaaraha Jarmalka Oo Booqasho Ku Timid Dalka Ethiopia Iyo Weedho Xanaf Leh Oo ay Ku Ga... DAAWO ; Madaxweyne ku xigeenka JSL Oo Daah furay Shir weynaha Heer Qaran Ee Shaqo Abuurka Dhalinyar... DAAWO;-Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Sheekeeyay Taariikhda Abwaan Hadraawi Iyo Qiso Dhex Martay Siyaad ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|