|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ma Jiro Wax Horumar Ah Oo Laga Sameeyey Wada Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya” António Guterres
May 25, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa sheegay inaan wax horumar ah laga gaadhin wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa warbixinta uu saddexdii biloodba mar u gudbiyo golaha ammaanka ee ku saabsan Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu kaga hadlay kulankii bishii February dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo uu sheegay inuu Madaxweyne Biixi ku balan qaaday inuu la shaqayn doono dawladda Muqdisho. Warbixintiisa wuxuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku yidhi “20 kii Februrary madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu wada hadal kula yeesha Addis Ababa Raysal Wasaare Axmed, halkaas oo madaxwayne Biixi ku ballan qaaday inuu madaxwaynaha Somaliland ahaan uu ku xoojinayo xidhiidh wada shaqayneed oo uu la yeesho dawladda Federaalka Somaliya.” Ayuu ku yidhi xoghayaha guud warbixintiisa, waxaanu intaas raaciyay “Dawladda federaalka ahi waxay soo saartay qoraal ay ku soo dhowaynayso. Inkasta oo aanu jirin wax horumar ah oo laga sameeyey wada hadalka Somalia iyo Somaliland, hadana waxa jira tiro daneeyayaal caalami ah oo soo bandhigay taageerada wada hadalka.” Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa kale oo uu warbixinta uu golaha ammaanka u gudbiyay kaga hadlay ku xad-gudubka xorriyada hadalka oo uu sheegay inay ka sii socoto Somaliland, isagoo sheegay in ciidamada ammaanku xidheen saxafiyiin kala duwan, “iyo Xayiraad ay maxkamad Somalialnd ahi saartay mid ka mid ah warbaahinta.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud, isagoo u jeeday wargeyska Foore ee ay maxkamadda gobalka Hargeysa xayirtay, ka dib markii ay xukuumadu dacwaysay. Warbixinta uu xoghayaha guud u gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dhinaca Somaliland waxay ahayd mid aad u kooban, iyadoo aanay warbixinta ka muuqanin xaaladda cakiran ee ka dhex taagan xisbiyada Somaliland ee ku saabsan qabsoomida doorashada golaha wakiilada iyo deegaanka.
Related posts:Ururka Qareenada Somaliland Oo Falanqayn Sharci Ku Sameeyay Dhawaaqii Komishanka Ee Dib Udhaca Doora... DAAWO; Madaxwayne Siilaanyo Oo dalka kusoo laabtay Kana Hadlay Xaalada Xisbiga Kulmiye Iyo Hankiisa ... Muj Cali Guray oo ka Hadlay Askari Amarka Gudoomiyaha Kulmiye Lagu Xidhay "Muuse Way ka Suuroobi k... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|