Koronto Yaraan Soo Food Saartay Degaanada Dalka Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Koronto Yaraan Soo Food Saartay Degaanada Dalka Itoobiya.
May 13, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN) – Korontada ayaa inta badan laga gooyaa degaanada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, iyadoo Korontadii joogtada ahayd ay toddobaadkii maalin ama maalin badhkeed ka maqnaanayso magaalooyinka degaanada uu dalku ka kooban yahay.

Haddaba meelaha uu saamaynta ku yeeshay Koronto yarida ka jirta Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo intii la galay bisha Ramadaan ay Shacabka degaanku dhibaato kala kulmeen Korontada oo xilligii afurka la samaysan lahaa inta badan korontadu ay maqan tahay.

Shirkadda Quwada Korontada ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay maalmaha Korontada laga jarayo degaanada kale ee dalka, balse degaanka Soomaalida masii sheegto xilliyada ay korontadu ka maqnaanayso.

Guud ahaan waxaa yaraaday kalsoonidii korontada lagu qabay, oo maalin hadday kuu shaqayso korontadu maalinta xigta magaran kartid inay kuu jirayso korontadu iyo in kale.

Itoobiya ayaa lagu tiriyaa dalalka u horeeya dhanka Korontada oo laga dhaliyo biyo xidheennadeeda waawayn.balse iyadoo ay saas tahay haddana sidii la rabay looma helo adeegga Korontada iyadoo ay wali jiraan meelo badan oo degaanka Soomaalidu u horeeyo ayna 100% si toos ah u helin adeegga Korontada.

 

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS