Kan Waxa Samaysay 18ka May Ka Horna Wax Jira Muu Ahayn. Inta Uu ku helay 18ka May Anigu Kumaan Helin Xildhibaan kuma Noqonin Xoolona kuma Urursan”Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kan Waxa Samaysay 18ka May Ka Horna Wax Jira Muu Ahayn. Inta Uu ku helay 18ka May Anigu Kumaan Helin Xildhibaan kuma Noqonin Xoolona kuma Urursan”Cali Guray
May 9, 2019 - Written by Editor:

“Dhakool Waa Basaas Xun Oo Nedel ah Oo Xataa Kooxaha Xagjirka ahi ay Adeegsadaan Kolna Iyaga Basaasa.”Cali Guray

HARGAYSA (W,N) Siyaasi cali gurayb ayaa sin kulul uga wajaabay hadalo deel qaaf ah oo kazoo yeedhay xildhibaanm dhakool ookamid ah golaha wakiilada.

Siyaasi cali guray ayaa xikdhiban ku tilamay mid aan dan umadeed iyo midbeesha uu so jeeda toona ka hadlay balse dhaqaale raadis aan garanayn waxa uu xildhibaanka ku yahay ah.

HALKAN KA AKGHRI QORAAL CALI ASRIMAHAASI KAGA HADLAYO OO UU KU BAAHIYAY BARTA UU KU LEEYAHAY FACEBOOKGA ;

Geedigu wuu socdaa ayduna way ciyayaan

Dameer dhergay markuu dibiro inuu dinaahiyo ceebtii maaha ee waa caadadii.

Kan waxa samaysay 18ka may ka horna wax jira muu ahayn. Inta uu ku helay 18ka may anigu kumaan helin oo xildhibaan kuma noqonin xoolona kuma urursan oo sidiisa kamaan taajirin xaaraan hadana toban sanadood ayaan halgan qadhaadh u soo maray 18 may oo dhab ahaan u soo celisay shacbiga somaliland oo dhan xaqii ay u lahaayeen aayo ka tashigooda iyo la soo noqoshada xornimadii ay dheeldheelka ku lumiyeen 1960kii.

Kani dhulbahante naf uma hayo calooshiisa iyo hungurigiisa wax dhaafsiisan-na dan iyo muraad kama laha.waa basaas xun oo nedel ah oo xataa kooxaha xagjirka ahi ay adeegsadaan kolna iyaga basaasa oo caan ku ah xasadka, buqdiga, iyo naca dadka gacantooda wax aanay ka siinin aanu afkiisaba gelin. Ha u dhinto naciisa oo ha iska hadlo af nooliba wuu hadlaa eyna wuu ciyaaye. Waa run geediguna wuu socdaa ayduna way ciyayaan.

siyaasi cali maxamed yuusuf(cali guray)

COMMENTS
LINKS