Imaaraadka Carabta oo Amaro Ka Soo Saaray Gaadiidka Waaweyn Bisha Ramadaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Imaaraadka Carabta oo Amaro Ka Soo Saaray Gaadiidka Waaweyn Bisha Ramadaan
May 4, 2019 - Written by Reporter:

Abu Dhabi (WJN)– Ciidamada Bilayska ee Abu Dhabi ayaa ku dhawaaqay in gaadiidka waaweyn ee xamuulka iyo basaska qaada in ka badan 50 rakaab ah laga mamnuucay wadooyinka Abu Dhabi 8am ilaa 10am iyo 2pm ilaa 4pm subaxnimo inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Imaaraadka Carabta Oo Amaro Ka Soo Saaray Gaadiidka Waaweyn Bisha Ramadaan

Amarkan Bilayska ka soo baxay ayaa wadayaasha gaadiidka waaweyn faraya inay u hogaansamaan jadwalka loo sameeyey, waxaanay loogu baaqay inay qayb ka qaataan amaanka jidadka Imaaraadka inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale talaabadan ayaa looga gol leeyahay in aanay jidadka ku cidhiidhin gaadiidkaasi waaweyni saacadaha hore ee ay shaqooyinka u jarmaadayaan dadka sooman.

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS