|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan Akhri; Maanso Baroor Diiq Ah Oo Abwaan Xasan Dhuxul Ka Tiriyay Geerida Xaaji Cabdi Waraabe.
May 10, 2019 - Written by Editor:Waa Qayb Ka Mida Maanso Baroor-Diiqa- oo Marxuum- Xaaji Cabdi Waraabe Geeridiisa aan ka Tiriyay — Dhanbaalku Xumaa, Dheguhu maqlayaan Warkiyo dhacdadiyo, Dhiiladu ba’anaa Dhalaan iska daa, ilmadu ka Dhacdee Haday dhagaxdiyo, dhulkuba hadlayaan- Tiirkaa dhacaybaa, Umado Dheerayn! Markay Dhabaqdee, Taladu Dhacantee Nin xuni dhirta iyo, Dhufayska Galee, Qoryaha laba dhaca’ intay dhufsadaan Makasta dhoohani, ku dhiiran jireen Duqii dhab ahaan, samaha u dhashee wixii dhib yimaad, dhamayn jirayee Nabada dhidibkiyo, salkaba u dhigaa. aakhiro u dhurtoo, xabaal la dhigee- Muxuu dhagar Baajay, dhiig Qulquloo muxuu dib u dhigay, balaayo dhacdoo si ay u dhaqdaan, dadkani u dhistaan’ dheelkiyo Qabawgiyo, Dhaxamo u maroo- U soo Jilib dhigay, Dharaara adkaa, – Xaqiyo Dhimashada, Adaa Dhigayoo- Adoonka ka Dhaafa, Dunuub ka dhacdoo Dhankaaga Adaan, Rabboow dhawrnoo Dhamaan Gacmaan, Ku hoos Dhiganee- Rabboow Dhaxalsi, Dhawaaqa Sanoo- Rabboow dhibyaraan, dhexgee janadii , Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax-
Related posts:Daawo; Xawaalada Amal laanteeda Giriiga Oo Lacag 200 kun oo doolar laga Dhacay iyo Xawaaladihii Som... Dawlada Itoobiya Oo Masar Ku Eedaysay Rabshadihii Dadka Badani Ku Dhinteen Ee Ka Dhacay Dalkeeda. “Diwaangelinta Madanigu, Ma Khuseyso Xisbiyada Mucaaradka Ah” Dawlada Somaliyana Waxaan Leeyahay,Wa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|