|
|||||
WAJAALE NEWS
Guul Iyo Guul Daro Diidmada Baarlamaanku Maxay Noqon Kartaa?
May 3, 2019 - Written by Editor:haddii dhinacyo kala duwan ka eegno labadda way noqon kartaa, guul iyo guul-daro, siduu madaxweynuhu u dhigay ee u rabay way u dhacday dhankaasi marka ka eegno waa u guul, marka indhaha dadka kale ee mucaaradka ku ah ku eegna guul daray noqonaysaa. Siyaasaddu waa fursadaha ku soo maro oo laga faa’iidaysto, arrimaha ad-adag mararka qaarkood bay fursad kuu tahay oo talaabadaad samaysaa ku keeni karta guul siyaasadeed. Arrinta goluhu ka soo horjeesteen go’aanka madaxweynaha aan dhawr qodob ka dul istaago, waayo dad badan baa wali is waydiinaya sababta xildhibaanadu uga hor yimid, qaar badanna way fahansan yihiin halka arrintu ka xidhimi laadahay: Shaxday xukuumaddu dhigtay marka dul istaagno wali guul bay u tahay diidmada baarlamaanka iyo xisbiga WADANI ee taageeray, sababtuna waxay tahay; Labadda sarkaal ee la dilay waxay ka soo jeedaan Boorama, si Boorama oo wakhtigii doorrashada lagaga sareeyo u hantiyo ayaa talaabadan loo qaaday:
Diidmada baarlamaanka: 1.Madaxweynuhu awoodiisa uu saraakiilkaasi ku qiimayey wuu sameeyey waxaase diiday xildhibaanadda, taas eeddii uu ku lahaan lahaa wuxuu iskaga leexiyey baarlamaanka waana sida uu doonayey ee ahaa eed iska leexin.
Sidaas darteed, guushii siyaasadeed ee uu rabay wuu ka gaadhay aragtidayda, muhiimaduna intaas bay ahayd iyo in gobolka Awdal uu kasbado iyo in baarlamaanka wuu qaawiyo. Waana markii ugu horeysay ee baarlamaan ka hor yimaadaan go’aan madaxweyne usoo gudbiyey, gole cusubna maaha ee gaalihii waligiiba duuduub ku ansixin jirey. Dhanka kale, guuldaro: dhinaca kale hadii aynu ka eeegno guul daray u tahay talaabooyinkan uu qaaday madaxweynuhu.
QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR HARGAYSA SOMALILAND. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|