Gudagalkii Xoogagii SNM Ee Hargaysa 31/5/1988 W/Q:Cali Coomay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudagalkii Xoogagii SNM Ee Hargaysa 31/5/1988 W/Q:Cali Coomay.
May 31, 2019 - Written by Editor:

Soo Dhaqaaqii Ciidankii Hargeysa Soo Gelayay

Ciidankii Hargeysa soo gelayay iyo taliskii ayaa Balay Samatar ka soo dhaqaaqay 30/5/1988 ee labadii duhurnimo waana Kolanyo dheer, waxa labada dhinac ee kolanyada ilaalinaaya ciidan waddada labada dhinac ka xiga oo dhinaciiba yahay 150 askari, sidoo kale 200 oo askarina way soo xidhiidhsameen, tiknikadii SNM waxa iyadana loo qaybiyey laba oo bari iyo galbeed ayay kala raacaan oo dhinaca bariga waxa raacay laba jiib, laba BayBay, hal Zuug iyo laba C.G.U oo ah qoryaha diyaaradda, halka dhinaca galbeedka ay soo raaceen hal BayBay, saddex jiib, laba C.G.U oo ah qoryaha diyaaradda iyo laba Zuug. Dhinaca ciidanka Maxamed Siyaad way la socdeen dhammaan hawlaha ay ciidankan SNM ee soo dhaqaaqay, markaa waxa ay moodayeen inay soo marayaan Waddo Bariis, Dacawalay, Kormo-ragraga, Garabis ilaa Xaraf inay Hargeysa ka soo galayaan.

Ciidankii SNM way soo dhaqaaqeen, meeshan la marayaa waa 26 Kiiloomitr oo keyn jiq ah oo Baabuurtu shaaga ayay rogaysaa, meeshii ay moodayeen in ay soo marayaan ayay ciidan dhigeen taliskii ciidankii Maxamed Siyaad may soo marin, oo waxa ay ciidanka SNM ka hortaga dhigeen Korma-ragraga, sidii ay u soo socdeen ayay 4:00 galabnimo soo gaadheen Sheekh Mooldhe, isla markii ay soo galeen Sheekh Mooldhe ayay dagaal fooda isku dareen ciidankii Maxamed Siyaad oo aan sidaasi u tira badnayn rasaas ayaa ooda la iskaga qaaday oo hubka culus iyo rasaasta yar yar ayaa hadh beeshay ka dib ciidankii SNM ayaa ka xoog batay ciidankii Maxamed Siyaad waxa laga dhaawacay askari, gaadhigii Haybe Jeeni ayay xagga dambe u saareen oo Maxamed Cilmi ayaa yidhi Dhaawaca Hargeysa ayaynu la tegi doonaa.

Markii ay ciidankii SNM Sheekh Mooldhe in yar soo dhafeen ayay dul yimaadeen laba Miig oo ah nooca Miig 29, way dhaafeen oo sii fiican ayay u arkeen ciidanka, ka dib markii ay in yar dhaafeen ee ay doonayaan inay soo noqdaan ayuu Maxamed Cilmi Gawaadhidii deg-deg uga leexiyay geedo ayay oo ay kaga gabbadaan diyaaradaha, dabadeed way soo noqdeen mar labaad haddana waxna kumay ridin ciidankii haddii ay duqayn lahaayeen ciidankan SNM way burburin lahaayeen.

Hasayeeshee nasiib wanaag waxba kumay ridin, Maxamed Cilmi Galaan oo aqoon durugsan u lahaa ciidanka cirka oo ka soo shaqayn jiray ayaa ciidankii ku amray inay dhaqdhaqaaqaan waayo diyaaradaha waxbaa ka khaldanaa, kolanyadii Ciidanku way dhaqaaqeen , haddana waxa soo dul maray labadii Miig way iska socdeen waxa y soo gaadheen meesha la yidhaa Fahda oo ah Masalaha hoostiisa oo Hargeysa koonfur kagga beegan, saacaduna waa 5:00 galabnimo, markii ay ku soo baxeen waddadii Masalaha ayay arkeen ciidan ah kuwii Maxamed Siyaad oo ka soo baxay waddadii Gadhyogol oo wata laba Bay Bay, markiiba way ku jeesteen oo rasaas ayaa la isku furay , ciidankan SNM wuu ka xoog batay oo mid ka mid ah Baybayadii sidii ay u eryanayeen ayuu jar ka dhacay tiro ciidan ah oo saarnaana baybayga ayay laayay, dagaalkaasi waxa uu qaatay 30 miridh, Maxamed Cilmi wuxuu ii sheegay in uu xusuusto askari ku yidhi ‘’Taliye Askariga ma ka furtaa Baastoolada’’ markaasuu ku yidhi “waar ha u dhawaan wuu nool yahaye.”

Kooxdaasi way ka soo gudbeen markay in yar joogeen ee ay ka farxasheen ciidankii labada Bay bay watay ayay haddana soo gaadheen ciidankii Maxamed Siyaad ee hore loo dhigay korma-ragraga mise dagaal qadhaadh ayaa bilaabay, marka uu dagaalkani bilaabay weli cadeedu may dhicin, sidii uu dagaalku u socday ayaa la isla gaadhay ilaa 7:30 habeenimo, aakhirkii ciidankii SNM way ka adkaadeen ciidankii Maxamed Siyaad, dhinaca SNM waxa ka dhintay laba askari oo baabuur ayay ku siteen Meydka Maxamed Cilmi wuxuu sheegay inay is urursadeen oo ay is-wada heleen ciidankiisii, ka dib markii ciidankii is-wada helay ayay ciidan shan kaare wataa xagga danbe ka weerareen ciidankii SNM ka dib shantii kaare ama taangi ayaa rasaas culus ku garaacay ciidankii SNM, balse ciidankani waxa ay wateen jiibab ka dib fooda ayaa la is daray dagaal kale oo culus ayaa qarxay, taangiyadii waxa u jilib dhigay laba jiib ka dib, dib ayay u gurteen waanay yaaceen, dagaalkan waxa SNM kaga dhintay askari la odhan jiray Ina Maracadde ka dib roob ayaa qabsaday dhulkii.

9:00 habeenimo ayuu roobkii qaaday markii ay is yidhaahdeen dhaqaaqa ayaa hub culus ooda lagaga qaaday oo show waddadii xaraf ee ay doonayeen inay ka dhaadhacaan waxa la dhigay urur dhan oo ka tirsan Guutadii 24-aad ee ciidankii Maxamed Siyaad markii ay ciidankii SNM muddo beerka dhulka ku hayeen ayay is-weydiiyeen halkee la marayaa dood ayaa ka dhex bilaabamatay hogaankii ciidanka, ka dib Maxamed Cilmi Galaan ayaa yidhi aniga ayaa garanaya halka laga dhaadhacayo ka dib Muuse Biixi ayaa yidhi waar ina Cilmi Galaanow ma garanaysaa waddada iyo haa, oo Axmed Weyne ayaa la fahmayay waddada Maxamed Cilmi, baabuurtii way ka yimaadeen ay wateen oo meeshan ayaa ahayd meel aanay baabuurtu mari karayn ka dib waa la is-qaybiyey.

Way dhaqaaqeen ciidanku waa lug waxoogaa tikniko ah oo laydhku u bakhtiisan yahay ayaa daba socota waxa ay soo mareen waddo la yidhaa Waddada Cad, ciidankii Sayid Cumar waxa soo raacay ciidankii Sancaani Ciidanka Axmed Dhagax oo talisku amar may Siin, ciidanku waxa ay soo qaadeen waddadii Cadayd oo Gadhyogol, Xaraf iyo Xagal Marta, halkaasi mareen ka dib Xaraf ayay ka dhamaadeen oo Sheekh Cumar ayay soo galeen waa 12:00 habeenimo. Ciidanku markaa wuu daalan yahay, Maxamed Cilmi ciidankii wuxuu ku amray inay Seexdaan 40 Miridh ka dib 12:40 ayuu kiciyay, way soo dhaqaaqeen waxa ay soo gaadheen BoqoL Jire oo uu qorshuhu ahaa inay ku kala baxaan, gaar ahaan wuxuu Maxamed Cilmi sheegay inay ku kala baxayaan beerta Aadan-Jeeg oo ku taalay Boqol Jire, halkaasi ayuu ciidankii Joojiyey ,Maxamed Cilmi ayaa Aadan-Cadde oo ahaa taliyaha guutada Sancaani ku yidhi Waar Aadan-Cadow beertan ma garanaysaa, Aadan-Cadde ayuu yidhi Nacam waayo waa goob uu Aadan-Cadde tababarka ku geli jiray ilaa sannadkii 1952.

dabadeed Aadan Cadde iyo guutadii Sancaani ayuu Maxamed Cilmi ku yidhi midig raaca oo isha Boorama ka soo dhaadhaca oo xeradii Birjeex weerara, ka dib wuu dhaqaaqay, Maxamed Cilmi muu dhaqaaqin oo waxa soo gaadhay taliskii ciidanka dabadeed Maxamed Cilmina dhexda ayuu galay, waanay dhaqaaqeen markii ay in yar socdeen ayaa rasaas la huwiyey ciidankii Sayid Cumar iyana way bilaabeen, dagaal ayaa fooda la isku daray, bal amarka ilaahay rasaasta ciidanka Maxamed Siyaad waxa ay u dhacaysay kor oo buuraha ayay ku dhacaysaa markii dagaalkii inyar socday ayay Sayid Cumar qabsadeen laba Baybay iyo Gaadhi Shilke ah oo SNM hore looga qabsaday, sannadkii 1986 ka dib labadii Baybay meel dhiidhi ah ayay ku dhaceen oo way ka soo saari kari waayeen, balse gaadhigii Shilkaha ahaa oo noociisu ahaa Marshandhis ayuu ku dhacay nin la odhan jiray ina goole weyna soo kaxaysteen. Wixii intaasi ka dambeeyey dagaalkii wuxuu u gudbay gudaha caasimada Hargaysa oo magaalada ayaa lagu dhex dagaalamayey.

QALINKII; Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

Calicoomay@gmail.com

Tixraac:

Mahadhooyinkii SNM…..Maxamed Cilmi Galaan, Taliyihii Guutadii Sayid Cumar (2018)

COMMENTS
LINKS