Gaaskii Ugu Badnaa Abid oo Laga Helay Deegaanka Soomaalida Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gaaskii Ugu Badnaa Abid oo Laga Helay Deegaanka Soomaalida Itoobiya
May 7, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN) – Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain ee New Age (African Global Energy Ltd) iney deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay keyd gaaska dabiiciga ah oo gaadhaya 1.6 Trillion Cubic Feet.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Ethiopia Guang Tulam oo u warramay wargeyska The Reporter oo ka mid ah wargeysyada gaarka loo leeyahay ee ugu afka dheer dalka Itoobiya ayaa sheegay iney shirkadda baadhitaan muddo wadday ay ku heshay keyd gaaska dabiiciga oo gadhaya 1.6 Trillion laga helay Deegaanka Hala-quraan.

The Reporter ayaa inta ku daraya in shirkad Mareynkan ah oo la yidhaahdo Greencom ay wasaaradda shidaalka u bandhigtay hindise ah inay aaggaasi ka dhisto warshad gaaska lagu sifeeyo iyadoo doonaysa inay adeegsato tikmolojiyadda gaaska loogu rogayo dareere ama Gas-to-Liquid (GTL).

Kharashka guud ee lagu maalgelinayo ayaa ku dhow illaa 2 bilyan oo doollar, iyadoo ay hay’adda African Global Energy ay webkeeda rasmiga ah ku sheegtay inay socdaan qorshayaal looga arrinsanayo in  mashaariic heer hoose ah oo kala geddisan looga fulinayo deegaannada maxalliga ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/5FqzbXH-cLs

Wajaalenews Desk

Jigjiga Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS