Diyaarad Kale oo Boeing 737 Ah oo Soo Dhacday (Akhri Faahfaahin) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaarad Kale oo Boeing 737 Ah oo Soo Dhacday (Akhri Faahfaahin)
May 4, 2019 - Written by Reporter:

Cuba (WJN) – Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 ayaa ku soo dhacday Webiga yar oo ku dhinac yaalla Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Magaalada Jacksonville oo ka tirsan Gobolka Florida ee Dalka Maraykanka, Habeenkii Jimcaha.

Diyaaraddan oo 143 Qof ka soo qaadday dalka Kuuba, ayaa ku dhacday Webiga the St Johns River ee Magaalada Jacksonville oo ku yaalla dhammaadka Dhabbaha garoonka diyaaradeed ay fadhiisan lahayd diyaaraddu, laakiin lama soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay, marka laga reebo 21 Qof oo dhaawac fudud soo gaadhay, sida ay Masuuliyiintu sheegeen.

Diyaarad Kale Oo Boeing 737 Ah Oo Soo Dhacday (Akhri Faahfaahin)

Diyaaraddan nooceedu yahay 737 ayaa soo gaadhay saldhigga Ciidammada badda ee Jacksonville, waxayna ka soo duushay Saldhigga Ciidammada badda ee Guantanamo Bay ooo ku yaalla Dalka Kuubba, laakiin diyaaraddu biyuhu ma wada quusin, taasina waxay keentay in aan waxyeelo badan soo gaadhin.

Soo dhicidda diyaaraddan ayaa ku soo beegmay xilli laga feejin yahay diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737, ka dib markii ay bishii saddexaad ee sannadkan ay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 Max 8 ay ku soo dhacday Itoobiya ay ku dhinteen 157 Qof, taasi oo ay lahayd shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

Diyaaradda Ethiopian Airlines waxa ka sii horraysay diyaarad nooca 737 ah oo ku hacday dalka Indonesia, taasi oo ay ku dhintaan Dad ka badnaa 160 Qof.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS