|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhalinyarta Face-Buugga, Xukuumadda Iyo Garsoorka!Prof Cabdi Cali.
May 4, 2019 - Written by Editor:Mid baa ka maqan laba qolo, qolada saddexaad ee garsoorka haddii ay ka maqan tahay looma dul qaadan karo. Ta kowaad, xukuumadda waxa ka maqan in ay ogaato in waddanku yahay Dimuqraadiyadda Xisbiyada Badan ( Democracy multi party system), sidaa darteed qofka yara taraara ee aflagaado ku sameeya madaxda lama xidho, maxkamadna lama geeyo. Waxa sidaa sameeya waddamada aan madaxda la dooran ama haddii doorasho dhacdana ku shubta; dee qofkaa waa la arkayaa in uu caadifad hadlaayo ama xadkii ka baxay, markaa wixiisu dadka ma galayaan; markaa adigu xukuumad ahaan maxaad iskaga mashquulinaysaa?; dee haddii kale dadku waabay shakiyi in waxani ay jriraan ama la soo wado!!! Talo ahaan, waxan qabaa waxa lagugu caayay haddii aad ka fogaato, in ay been noqon doonto aflagaadada laguu gaystay, dadkun wada arki doonaan; haddi kale laf timir baa ku jirta!! Haddii ay bataan xadhiga noocan ahi, oo dhegaheenu maqlaan had iyo jeer hebel waxa loo xidhay qof madax ah ayuu wax ka sheegay; ku bushaaraysta in halis ay ku jirto dimuqraadiyadda iyo xorriyadda dastuurku damaanad qaaday ee aynu Af-weyne kala hadhnay hadh gadiid ah, laakiin aynu dhaafasanay burburkii iyo dhimashadii badnayd ee ina soo gaadhay; qiimo sare oo qaaliya ayay, runtii, innoogu fadhidaa!! Haddii laga qarmi waayo, dee ninka madaxda ahi qof ahaan ha u ashkatoodo oo ha yidhaa qofkani sharaftayda ayuu meel kaga dhacay; xaq buu u leeyahay; dee markaa magdhaw waa loogu xukumi karaa; haa magdhaw, ma aha xadhig; laakiin bilayska ku shaqeeya cashuurteena ma ogolin in uu ku mashquulo hebel baa qof madax ah caayay iyo wax la mid ah!!! Ta labaad, dhalinyarada qaarkood waxa ka maqan in ay si anshax leh wax u qoraan, oo aanay caytamin; waxbaad dhaliili kartaa adiga oo aan aflagaadoon. runtii qof kasta wuu garan karaa hadalka ama qoraalka aan macnaha ku fadhiyin ee qof iska soo qoro ama ku tiraabo; looma baahna immika in aynu qeexno maxaa aflagaado ah. Ta saddexaad, Garsoorka isaga loogu garaabi maayo in uu moogaanaado nidaamka siyaasiga ah ee waddanku qaatey sida Dastuurkeena ku cad; masuuliyiinta xukuumaddu indhaha way isku qaban karaan maadaama ay siyaasiyiin yihiin, laakiin Garsoorka lama ogola in ay indhaha isku qabtaan iyo in ay mooganaadaan oo ay kiisaska noocan ah u xukumaan sida waddamada xisbi kaliya iyo nin kaliyi ka taliyo, hadduu doono ha dhigo riwaayado doorashooyin ku sheego oo uu ku shubot’e. QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac ; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.
Related posts:''Tiir Kamid Ah Udub Dhexaadkii Saxaafadda Afka Soomaliga Ku Hadasha Ayaa Dumay..'' Ex Wasiir Biixi ... Hanfiga khilaafka kulmiye Oo lafilayo Inuu Banaanka Usoo Saaro Halaqyo Badan oo halis ku ah Murashax... Axmed Siilaanyo Iyo Casaabadiisa Oo ku Hawlan Waxka Badalka Xeerka Saxaafada Ee Golaha Horyaala Iyo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|