Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Tartan Loo Galayo Shirkadaha Diyaaradaha Ee Xujayda Uqaadi Doona Xajka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Tartan Loo Galayo Shirkadaha Diyaaradaha Ee Xujayda Uqaadi Doona Xajka.
May 7, 2019 - Written by Editor:

Muqdisho (W,N) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in sanadkan Shirkadaha Diyaaradaha ee qaada Xujeejda loo sameyn doono tartan furan oo ku aadan ciddii qaadan laheyd qandaraaskaas.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in shirkadaha daneenayo fursadaan ay u furan tahay inay soo gudbistaan codsiyadooda ugu dambeyn 9-ka Bishan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in codsiyada ay Shirkadaha soo gudbistaan ay go’aan ka gaadhi doonaan guddi ka socdo Wasaaradda oo ka kooban Culimada iyo Bulshada rayidka ah.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in daabulida Xujeyda aaney ku koobnaaneyn oo kaliya shirkadaha Jubba Airways, Daallo Airlines, Freedom iyo East Africa oo oo sanadkii hore ay Dowladda u xidhay Mashruuca lagu geynayo dalka Sucuudiga Soomaalida Xajineysa.

Halkaan hoose ka akhriso Guddiga shaqadan loo xil saaray

C/Xakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wasiiru dowlaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo

Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow-Culumo

Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere-Culumo

Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed-Culumo

Maxamed Cabdi Xaliim Sheekhoow-Bulshada Rayidka

Xamdi C/raxmaan Ismaaciil-Bulshada Rayidka.

WAJAALENEWS DESK

MUQDISHO OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS