|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Tartan Loo Galayo Shirkadaha Diyaaradaha Ee Xujayda Uqaadi Doona Xajka.
May 7, 2019 - Written by Editor:Muqdisho (W,N) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in sanadkan Shirkadaha Diyaaradaha ee qaada Xujeejda loo sameyn doono tartan furan oo ku aadan ciddii qaadan laheyd qandaraaskaas. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in shirkadaha daneenayo fursadaan ay u furan tahay inay soo gudbistaan codsiyadooda ugu dambeyn 9-ka Bishan. Wasaaradda ayaa sheegtay in codsiyada ay Shirkadaha soo gudbistaan ay go’aan ka gaadhi doonaan guddi ka socdo Wasaaradda oo ka kooban Culimada iyo Bulshada rayidka ah. Tallaabadan ayaa ka dhigan in daabulida Xujeyda aaney ku koobnaaneyn oo kaliya shirkadaha Jubba Airways, Daallo Airlines, Freedom iyo East Africa oo oo sanadkii hore ay Dowladda u xidhay Mashruuca lagu geynayo dalka Sucuudiga Soomaalida Xajineysa. Halkaan hoose ka akhriso Guddiga shaqadan loo xil saaray C/Xakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wasiiru dowlaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya. Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow-Culumo Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere-Culumo Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed-Culumo Maxamed Cabdi Xaliim Sheekhoow-Bulshada Rayidka Xamdi C/raxmaan Ismaaciil-Bulshada Rayidka. WAJAALENEWS DESK MUQDISHO OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:DAAWO ; Abwaan Gabay ku Dhaliilay Xukuumada Siilaanyo Iyo Siday Dalkii U Boobtay (Daahir Waa Salee... Xisbiga Wadani Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Taageerayaashiisa Ugu Baaqay In Ay Udiyaar Garooobaan... "Marnaba Lama Aqbali Doono Ficilada Ay Wadaan Koox Yar Oo Kursi Jacayl Madax Maray" Sheekh Shariif. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|