|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Iran Oo Sacuudiga ku Eedeysay Inay Kala Qeybsanaan ka Abuurayaan Gobolka Si Ay Ugu Faa’iideeyaan Israa’il
May 31, 2019 - Written by Editor:Tehran(W,N) – Dowladda Iran ayaa ku eedeysay Sacuudiga inay kala qeybsanaan ka abuurayaan dalalka Islaamka iyo kuwa gobolka si ay ugu faa’iideeyaan Israa’il ,xilli boqortooyada Sacuudiga ay marti-gelisay kulan madaxeed ay leeyihiin hoggaamiyayaasha Carabta iyo Khaliijka, oo lagu raadinayo taageero ka dhan ah xukuumadda Tehran. “Waxaan aragnaa isku dayada Sacuudi Carabiya ay isku keeneyso dalalka deriska iyo kuwa Carbeed ee ka dhanka ah Iran, taasi oo qeyb ka ah isku dayada aan miro-dhalka ahayn ee maamulka Mareykanka iyo kan Yahuudda.” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Seyed Abbas Mousavi. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Seyed Abbas Mousavi ayaa niyad-jab ka muujiyey in Riyadh ay weli waddo ‘eedyemo aan sal lahayn’ oo ka dhan ah Iran, ayada oo ka faa’iideysanaysa marti-gelinta shirka Islaamka. Hadalka ka soo baxay Dawlada Iran ayaa ku soo beegmaysa iyadoo boqorka Sacuudiga, Salman Bin Cabdulcaziz uu maanta sii xoojiyey weerarka ka dhanka ah Tehran isaga oo dalalka Carabta ugu baaqay inay ka hor tagaan wax uu ugu yeedhay ficillada ‘dambiyeed’ ee Iran. Related posts:Suldaan Siciid Ducaale Oo Si Adag Uga Hadlay Dagaalka ka Socda Deegaanka Buqdharkayn Iyo Fariinta Uu... Daawo:Maayarka Magaalada Boorama Oo Ka Hadlay Warar Maalmahan Sheegayay In Suldaan Wabar Soo Rogaal ... War Deg Deg Ah: Ciidamada Milateriga Itoobiya oo Hada Qabtay Madaxweynihii Hore DDSI Cabdi Maxamuud ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|