Dadweynaha Ma Lala Hadlay, Isla Judhii…?Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadweynaha Ma Lala Hadlay, Isla Judhii…?Prof Cabdi Cali.
May 1, 2019 - Written by Editor:

Horta miyuu Madaxweynaha ama sarkaal sare la hadlay dadweynaha isla markii la xaqiijiyay falalka dilka askarta iyo qaraxii Wajaale; tacsi uma jeedo, hadal barlamaanka hortiisa ahna uma jeedo; waxan u jeeda dadweynaha ayaa lala hadlaa iyo ajaanibka waddanka ku nool, isla judha waxaas oo kale dhacaan.

Waa maxay sabata dadka loola hadlayaa?; waa si loo dejiyo dadka, maxaa yeelay falalka amni darrada ahi argagax iyo cabsi bay abuuraan (panic and insecurity); markaa hadalkaasi wuxu keenayaa in dadku is dejiyaan, ogaadaana in ay jirto dawlad feejigan oo hawsheeda qabsanaysa; taasi waa haddii aanad adiga laftaadu rabin in dadka aad kaga faa’iidaysato oo aad ku xukunto cabsida iyo argagaxa!!!; haddii siyaasaddaadu sidaa tahay , markaa adigaaba jeclaysanaya in tanoo kale dhacdo!!! Wal ciyaadu billaah!!!

Baqdintaasi uma wanaagsana ganacsiga iyo maalgashiga; sidoo kale haya’daha deeqda bixiya; haddii dhacdooyinka caynkaasi dhacaan oo madaxdu dadka la hadli waydo ama tallaaboyin iska qaadaan iyagoon dadka la hadlin waxay keeni kartaa laba arrimood: waa ta kowaade in tallaabdan aad qaaday ay sii kordhiso argagaxa; tal labaad waxa iman kara shaki iyo cabsi, taasoo dadka qaar u fahmi karaan in la rabo in baqdinta lafteeda lagu xukumo dadka; taasina dalka ayay curyaaminaysaa siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan; waxanay keenaysaa in dalka laga yaaco, halkii aad ka soo jiidan lahayd dadka; muwaadiniin iyo ajaaniba.

Si kastaba ha ahaatee, anigu sidaan horeba u idhi, waan taageersanahay in gacan bir ah lagu qabto goobaha danbiilayaashu ku dhuumaalaysanayaan si loo soo qabto nimankaas, sharcigana loo hor keeno; u fiirso maan isticmaalin erayga xukun degdeg ah!!

QALINKII; PROF CABDI CALI JAAMAC Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

 

 

COMMENTS
LINKS