Dad Lagu Laayay Gobol Ka Tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Lagu Laayay Gobol Ka Tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya
May 3, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)–  Ugu yaraan 11 qof oo Soomaali ah ayaa lagu laayay gobolka Siti, sida uu xaqiijiyay Cabdullaahi Maxamed Mawliid oo ah wasiirka warfaafinta ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

“Malayshiyo Canfar ah oo hubaysan ayaa dadkaas laysay waxayna dhaawaceen ugu yaraan afar qof oo kale” ayuu intaas ku sii daray.

Xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in ay billowday baadhitaan ku aadan sababta dadkaas loo laalay.

Dareen xuduudo la xidhiidha ayaa mudooyinkii dambe ku sii xoogaysanayay deegannada Soomaalida ee xuduudda la leh gobolka Canfarta.

Arrintan ayaana ku soo beegmaysa iyadoo shalay la soo gabogabeeyay shir nabadeed la gu soo afjarayay colaadda Oromada iyo Soomaalida.

Boqollaal kun oo qof oo collaadaas ka qaxay ayaana wali barakacayaal ku ah gudaha dalka Itoobiya.

Inkastoo colaadda Soomaalida iyo Canfarta ay ka baaxad yar tahay middii Oromada haddana way soo laalaabatay haddaba wasiirka ayaa la waydiiyay sababta aan wax looga qaban la’yahay.

“Xukuumadda deegaanka iyo maamulka gobolkaba iyo dawladda faderaalka ahba masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta shacabka, waxaana ka shaqaynaynaa in arrintan oo kale ayna soo noqon” ayuu yidhi Cabdullaahi.

“Waxaa jira dhul la isku haysto si nidaamsan oo sharci ah ayaana lagu kala bixi,”

“Muhiimaddu ma aha in aan ciidammada Liyuu booliiska amarno oon nidhaahno saaka dagaal gala, balse muhiimaddu waa in aan nidaam dastuuri ah marno oo sharcigu sida uu ogol yahay aan dadka wax ugu qabanno”.

Haddii taas la waayo annaga ayay noo taallaa wayna caddaan doontaa ayuu hadalka ku soo gabagabeeyay Cabdullaahi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Jigjiga Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS