|
|||||
WAJAALE NEWS
Badi Dalalka Carabta oo Filaya In Ramadaan Kow Noqoto Maalinta Isniinta
May 4, 2019 - Written by Reporter:Riyadh (WJN) – Badi dalalka Carabka ayaa la filayaa in maalinta koowaad ee ay soomayaan bisha barakaysan ee Ramadan, oo la filayo inuu soo muuqdo dayaxa cusub, ayaa la filayaa inay noqoto May 6 oo ku beegan maalinta Isniinta. Maxkamada Sare ee dalka Sucuudiga ayaa ugu baaqday dhamaan Muslimiinta inay eegaan bilashada dayaxa, isla markaana cidii aragta ay ku soo wargaliso, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee SPA. Dalalka Qatar, Indonesia, Lebanon, Suuriya, Masar, Marocco, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn iyo dalal kale oo muslimiin ah ayaa saadaalinaya in bisha barakaysan ee Ramadaan ay bilaabmayso maalinta Isniinta. Halka Muslimiin farabadan oo ku nool Yurub iyo Maraykanka ay filayaan in ramadaan ay bilaabanto Axad.
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Horjooge Cali Khaliif Oo Mar Kale Ku Soo LaabtayCaasimada hargaysa Iyo Masuuliyiin Saaka Soo Dhaweey... “Hadii Xukuumada iyo Kulmiye Ay Shahaadooyin Siinayaan Koomiishanka iyo Hadii Kaleba Koomiishankani ... DAAWO;Wasaaradda Qoyska iyo Arimaha Bulshada ee JSL Oo maanta taageero gaadhsiisay Xarunta dhaqancel... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|