|
|||||
WAJAALE NEWS
Al-Shabaab Oo Shaacisay Shaqada Uu Qaban Jiray Injineerkii Turkish-Ka Ahaa Ee Ay Maanta Qaraxa La Beegsadeen.
May 12, 2019 - Written by Editor:Muqdisho(W,N)–Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay Injineer Turkish ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen Soomaali ku sugneyd goobta. Qaraxa ayaa ahaa nooca Dhejiska waxaana lagu xiray gaari HILUX ah oo uu watay Injineer Turki ah, iyadoo si gaar ah gaariga ugu qarxay ka soo horjeedka Jaamacada City ee Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayey ku sheegtay in ninka la dilay uusan ahayn Ijineer balse uu ahaa sarkaal ciidan oo ka howl-gali jiray saldhigga Turkiga. “Al-Shabaab ayaa qarax ku dilay sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga oo ka howlgelayay saldhigga Meleteri ee Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri qoraalka. Injineerka Turkiga oo dhaawac ahaan goobta looga qaaday, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Turkidu Maamulaan ee Digfeer, halkaas oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay. Al-Shabaab ayaa sababta ay u beegsatay injineerka ku sheegtay inuu ka mid ahaa saraakiisha saldhigga milatari, hase yeeshee ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya in Injineerku uu ahaa ciidamo. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay bartilmaameydsan doonaan saraakiisha kale ee u dhashay dalka Turkiga kuwaasi oo ku sugan magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa ku eedeysay dowladda Turkey inay qeyb ka yihiin dowlado ay sheegeen inay duulaan ku yihiin dalka Soomaaliya. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:Taageerayaasha Xisbiga Ucid Oo Cududooda Kusoo Bandhigay Gabiley Iyo Gudoomiye faysal Oo Kala Qaybga... Waraysi Xaasaasiya oo Lala Yeeshay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Muxuuse Ka Yi... WAR Deg-Deg AH; Imtixaankii Shaqo Qaran Oo Hore Loo soo Dhigay Iyo Wakhtiga Rasmiga ah Oo lagu dhawa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|