|
|||||
WAJAALE NEWS
Al-Shabaab Oo Shaacisay Dadka Ay Laayeen Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Tirada Masuuliyiinta Ay Ku Dileen.
May 22, 2019 - Written by Editor:Muqdisho (W,N) – Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax ka dhacay bar Kontarool oo ku taala Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyootay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Meletariga oo lagu magacaabo Faadumo Cali Raage iyo askar la socotay, waxaana dhaawac uu kasoo gaadhay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda Qaraxa kaasi oo ahaa gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay la eegteen saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, xiligaasina waxay joogeen goob lagu baaro gaadiidka doonaya inuu maro wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya. “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsada kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil, xildhibaanno iyo madax katirsan Dowladda oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada waxaana jira halaag gaara cadowga”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Al Shabaab. Dhacdada Xanuunka badan ee laga diiwaan geliyay qaraxii maanta ayaa ahaa in gaariga Cabdi Bille ee ay la socotay Faadumo (Faay Cali) uu ka badbaaday kaliya askariga Kaarka Aqoonsiga u geynayay ciidamada ku sugnaa barta Kontaroolka. Qaraxa ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir wuxuuna ka dhacay goob ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo. Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda saacadihii ugu dambeeyay ay adkeynayeen amaanka waddoyinka magaalada Muqdisho.
Related posts:Xildhibaan Cabdikariim Oo Ka Hadlay Xeerka Midaynta Cashuuraha Ee Golaha La Horkeenay, Sheegayna In ... Daawo: Qaraxyo Lagu Hoobtay Oo Saaladii Jimce Lala Beegsaday Masaajid Ku Yaala Waqooyiga Beirut DAAWO;Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ku Soo Laabtay Hargeysa Iyo Arimaho Hadheeyay Soo Noqoshadii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|