Agaasimaha G, Ee Wasaarada Caafimaadka Oo Ka indho-qarsaday Xuquuqda Shaqaalle u Soo Dhabar Adaygay Qaranka Oo Uu Xaqoodii Ku Raalli Geliyey Cid Uu Soo Xushay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha G, Ee Wasaarada Caafimaadka Oo Ka indho-qarsaday Xuquuqda Shaqaalle u Soo Dhabar Adaygay Qaranka Oo Uu Xaqoodii Ku Raalli Geliyey Cid Uu Soo Xushay
May 28, 2019 - Written by Editor:

Fadeexad Ka taagan Magacyo uu Soo xushay Agaasimaha Caafimaadku Oo uu Doonayo In Shaqaallaha Dawladda Lagu Daro

“Dr. Xerfeeye oo Ka indho-qarsaday xuquuqda shaqaalle u Soo dhabar adaygay Qaranka oo uu Xaqoodii KU raalli geliyey Cid uu Soo xushay”

Hargaysa (W.N) – Waa musuqmaasuqii abid ka dhaca Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, taas oo uu geystay Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

Dadkan ku jira liiskan hoos ku qoran iyaga qudhoodu xaq bay u lahaayeen in loo qoro shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka laakin waxa jooga dadkii kaga xaqa lahaa ee sida mutadawacnimada ah uga hawlgalayay Cisbitaalada iyo MCH-yada dalka kuwaas oo joogay shan sano ilaa toban sano ilaa hadda-na aan ka mid ahayn shaqaalaha dawladda u diiwaangashan.

Hadaba agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xergeeye ayaa liiskan qorey isagoo og in shaqaale tiro badani ka hawlgalaan Cisbitaalada & xarumaha hooyada iyo dhallaanka kuwaas oo wali quudareynayay rajana ka qabay inay mar uun ka mid noqdaan shaqaalaha rasmiga ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka…

COMMENTS
LINKS