|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Sacad Oo Gabay Baroordiiq Ah Ka Tiriyay Geeriddii Xaaji Cabdi Waraabe
May 16, 2019 - Written by Editor:Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile oo ugu baroordiiqaya geeriddii naxdinta lahayd ee ku timid Xaaji Cabdi-kariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeisa. Gabaygu wuxuu ku bilaabmayaa sidan: Ma fadhiyo warkii xumi dugsiye, taar ku soo dira’e Geeridii cabday daabaceen, damaq xanuunkeede Duni lagu ma waaraay hadana, lagu dagmaayaaye Ninweyn maalintuu kaa durkaad, doorki garataaye Tacsi waxaan u dirayaa dalkiyo, hurrinti daa’uude Doodiisi hadal xaajigii, lagu dawoobaayey Deriskuu wallaalayn jiree, kala dabqaadaayey Geed damal hadhweyn buu ahaa, samaha doonaaye Qaran daajiyoo noo ahaa, aan dugsanaynaaye Dugsi iyo waxbarashuu ahaa, aan ku dayanaaye Dawladnimada tiir buu ahaa, deyr ku xeernaaye Waayo-arag da’weyn buu ahaa, guurti noo dirane Dalka dib-u-dhiskiisiyo ilaa, dib-u-heshiisiinta Daacadnimo waxaa lagu yiqiin, damin collaadeede Doorroone wuxuu noo ahaa, duubka reeraha’e Dadkoo kala durkiyo beelahoo, deero miranayso Dirirtiyo collaadaha dabkuu, naga bakhtiinaayey Doorroone wuxuu noo ahaa, dawlad gooniya’e Dunxariira duub quruxsanow, hadal ku deeqsiiye Duurxul iyo sarbeeb iyo kolkuu, daahir wax u sheego
Doodiisa hadal waxay ahayd, daawadoo kala’e. Afartaa dalleeyee haddii, aan doc kale eego Dimuqraadinimadiyo kolkay, doorashadu joogto Ee duubka madaxweynanimo, diric la saaraayo Ama baarlamaan iyo deggaan, la isku duubaayo Ama xeer dib-loodhigahayiyo, doorasho isriixdo Rag baa hadalka duulduuliyoo, dawga kaa lumine Digniin iyo dabuub iyo waxsheeg, duurxul iyo sheeko Dareenkuu mar qudha jeedin jiray, shicibka oo daawan Ayaa madashi daadihin kolkii, talo la doonaayo? Dami waa khilaafkii kolkuu, dib isu soo laabo Ama duminta madaxweynihii loo, dabshidanaayo Ee hebelba hebel uu duree, dacarta leefsiiyo Ee deriska labaddeena golle, dogob ka qiiqaayo Ruux kastoo dedaalaa markuu, dib uga soo maago Hala doono xaajigi ninkii, talo ku deynaynay Duco iyo dalliil wuxu furfuro, la isma diidayne Markay dabacdo xaajadu ayaa, soo dabaal odhani? Dunxariira duub quruxsanow, doobta ka higgaadshe Dooxadii hargeysiyo ilaa, faafan iyo doolow Dibad iyo gudaa laga yiqiin, degalka soomaale Godkii daayin nuuryow muxuu, danaha noo dhawray. Afartaa dalleeyee mid kale, idin dareensiine Taariikhda duugoobin baan, kuu dulmarayaaye Ninkii aabihii dilay kolkii, lagu dardaaraayey Soomaali dhiig daatabay, darajo moodaaye Laba danab kolkii lagu daree, degelki uu gaadhay Daruur hoortay goortay dul timid, dibada loo diidye Duddo aqal duqsoonaa kolkii, darinta loo geeyey Milgo soorka deeq iyo waxsiin, lagu durduursiiye Dil ninkii u qoolnaa kolkuu, daafta hore geeyey Dallaalimada saantii kolkuu, dul uga waabaayey Loo diid darroorimo inuu, dhibic ku daataaye Isaguna dareen-celin kolkuu, dib isu maareeyey Damiirkiisu siin waa inuu, aarsaduu dila’e Wuxu yidhi dabuub hadalsan oo, gelay diwaankiiye “Ma dil baan u quudhaa ninkaa, dhibicda noo diiday?” Loo sheeg wuxuu dabacsanaa, deeq allaa timide Dunbuquu dib uga laabay ee, doonay inan tiisa Duco iyo qabuul baa ka dhacay, doonis faadumo’e Guyaal badan kolkay doonanayd, inanti loo diiqye Dadab iyo aroos looga deyr, damaladii hawde Ninkii samaha doonaba illaah, deeqdi wuu heliye Waatii cimriga loogu daray, da’iyo dheeraade Inagana waxay deris u tahay, Inan is daynaaye Oo dil iyo laayaanta wali, dan uga guurnaaye. Afartaa dareershee haddaan, ducada soo gaadho Rabbiyow daciif baanu nahay, oo dad baan nahaye Adna daayin baad tahay khalqiga, waad u dabac daaye Ergo duco ah mooyee ma wado, dood kaloo furane. Danbidhaaf illaahay ku sii, doonis samohiiye Daaraha jannada ee dugsoon, dadab laguu xeerye Webiyada jannada ee durdura, lagu dabaalsiiye Waxaad doonto oo idil illaah, daafta kuu keenye Janno daaqadeedana qabriga, adi laguu daarye Ku dakee sariiriha jannada, guri laguu daahye Dhar xariira midab doog qurxoon, dahab laguu keenye Midho daraya oo duulayana, dabac laguu siiye Xuuralcaynta dumarkii jannada, quruxda loo daawan Camalkaagi daaciyo wanaag, daayin kugu soorye Anaguna markaan kula degnee, kaa dib imanayno Muslimkaba intii daacadee, diinta lagu deeqay Ee daayinkoodii aqbalay, dunida guudkeeda Bustaanada jannada ee udgoon, wada damaashaada. AAMMIIN, AAMMIIN YAA ALLAAH Abwaan Xasan Roodhiile. Related posts:Xog-Waranka Xoghayihii Shir-Weynihii Aayo Ka-Tashiga Beelaaha Somaliland Ee Burco, Xaaji Aadan Axmed... Gudoomiyaha Gobolka Awdal Ma Dawlad kale Oo Tan Madaxweyne Siilaanyo Aan Ahayn Ayuu U Shaqeeyaa? Xoggo-Muhiim Ah: Mustafe Qodax, Siyaasi Fahmi La’ Godka Siyaasadda iyo Hoos u Dhac Ku Yimi Meeqaamki... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|