Soomaali Qaxooti Ah oo Laga Soo Qaaday Yemen oo La Geeyey Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaali Qaxooti Ah oo Laga Soo Qaaday Yemen oo La Geeyey Berbera
May 31, 2019 - Written by Reporter:

Berbera (WJN) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 4,300 oo Somali qaxooti ku ahaa dalka Yemen dib ugu celisay tan iyo 2017-kii.

Barnaamij ay fududeeysay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, oo kaashaneysa hay’adaha arrimaha bani aadnimada ka shaqeeya, masuuliyiinta Yemen oo dib loogu celinayay qaxootiga ku go’doonsanaa dalka Yemen ayaa dib loogu celiyay qaxooti gaadhaya 4300 oo Somali ah tan iyo sanadkii 2017kii.

Waxaa ugu dambeeyay dadkaasi la celiyay sida ay sheegtay UNHCR 125 qof oo isugu jiray dumar, rag iyo caruur oo dooni ay ka qaaday Dekedda Cadan ee dalka Yemen galabtii Arbacadii la soo dhaafay.

Doontaas ayaa gaadhay dekedda Berbera khamiistii shalay, maalmo ka hor maalinta ciidda.

Dadkaasi laabtay ayaa isugu jiray sida ay sheegtay Qaramada Midoobay Somali ku dhalatay dalka Yemen iyo kuwa waalidkooda ay qaxootinimo halkaasi ku geeyeen.

Yemen oo hadda lagu tilmaamo meesha mushkiladda bani aadnimo ee ugu baaxadda weyn ay ka jirto Dunida oo dhan ayaa dadku ay wajahayeen xaalad halis ku ah noloshooda, taasoo ka sii dartay nolosha dadkii Qaxootiga iyo megangalyo doonka ku ahaa.

Qaxootiga Soomaalida ayaa ka ah 90 boqolkiiba qaxootiga iyo dadka megangalyo doonka ah ee ku nool dalka Yemen oo haatan lagu qiyaaso ilaa iyo 250 kun oo qof.

Dhaqdhaqaaqa qaxootiga ayaa soo bilowday sanadkii 1980tamaadkii. Iyadoo dad badan ay ka cararayeen rabshadaha guud iyo cabsi shaqsiyadeed ayaa kuwo kale ay ka baxsanayeen abaaro iyo gaajo soo noqnoqday oo dhaxalsiiyay fursado la’aan dhinaca nolosha ah.

Colaadda ka jirta Yemen awgeed qaxooti badan oo Yemen ku nool ayaa xidhiidho la sameeynayay UNHCR si ey ugu fududeyso in dalkooda dib loogu celiyo.

Ilaa iyo 33 jeer ayaa lagu qaaday qaxooti Soomaali ah safaro ay qabanqaabisay UNHCR tan iyo 2017kii.

Waxaa kaloo dadkaasi la celintooda gacan ka geysatay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS