Xogo Dheeraada Oo Laga Helayo Qarax Walaxeed Ka Dhacay Magaalada Wajaale Oo Sobobay Dhaawaca Hal Qof! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Dheeraada Oo Laga Helayo Qarax Walaxeed Ka Dhacay Magaalada Wajaale Oo Sobobay Dhaawaca Hal Qof!
April 27, 2019 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Ee Gobolka Gabiley ayaa Shalay Galinkii Danbe  waxaa ka dhacay Qarax ka Dhashay  Walxo aan la aqoonsan oo dhawaaqooda laga Maqlayay qaybo ka mida ah  Magaalada Tog Wajaale.

Dhawaaqa qaraxan ayaa amakaag ku noqday bulshada ku dhaqan magaalada Tog-Wajaale oo inta badan ku soo xoomay goobtii qaraxu ka dhacay.

Inkastoo aan wali war rasmi ah ayna ka soo sareen Maamulka gobolka iyo ka degmada iyo ciidamada amaanku hadana waxay sheegayaan wararka ay wajaale news ka helayso  ilo xog ogaal ah oo ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay; in qaraxani ka dhacay guri sandaqad ah oo ku yaala badhtamaha magaalada tog wajaale,isla markaana ka dhashay aalad la furfurayay oo wararka qaar ku sheegayaan inay ahayd macdan qaarna ku sheegayaan inay ahayd banbo. Waxay wararku intaas ku darayaan in ujeedada aaladan loo furfurayay ahayd in laga soo saaro alaabo ku jirta oo laga ganacsanayay balse ayna ahayn mid lagu diyaarinayay aalad lagu qarxiyo wadanka Somaliland.

Ciidamada amaanka ayaa arintan u xidhay laba nin oo mid yahay farsamo yaqaankii furfurayay oo isagu ku dhaawacmay,oo gacan ka go,day lug na ay dhaawacan tahay ,oo hada xaaladiisa caafimaad lagula tacaaalayo dhakhtarka hargaysa, iyo nin kale oo isagu dilaal ahaa iyo gabadhii lahayd guriga uu qaraxu ka dhacay. Waxa kale oo iyagana baadi goob loogu jiraa sedex nin oo baxsad ah oo hawsha qayb ka ahaa.

Masuuliyiinta degmada Tog wajaale iyo gobolka gabiley oo aan la xidhiidhnay si aan arintan wax uga waydiino ayaa ku gaabsaday inay baadhis socoto oo ayna ka hordhici Karin.

Si astaba ha ahaatee inkastoo wararka xaqiiqada ugu dhaw sidaa sheegayaan hadana waxaa laga wada dhur sugayaaa natiijada baadhista ay wadaan ciidamada amaanku ay ka soo saaraan.

Wixii Warar Dheerada ee kasoo Kordha Qaraxan Bom Gacmeedka ka ah kala soco Wajaalenews.net

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS