Xogo Dheeraada Ah Oo Laga Helayo Xadhiga Xukuumadu kula kacday Gaadhigii Gudoomiye Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Dheeraada Ah Oo Laga Helayo Xadhiga Xukuumadu kula kacday Gaadhigii Gudoomiye Cirro.
April 7, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-xalay fiidki ayay ahayd markii xukuumada madaxwayne muuse biixi xidhay gaadhigii gudoomiyaha xisbiga wadani iyo sidoo kalena amartay in ciidanka ilaalada gudoomiyuhu iska xaadirayaan xeryihii ay ka tirsanayeen hadaba  Xogo dheeraad ah  oo laga helayo dhacdadani ayaa sheegaya in gaadhiga gudoomiyaha oo isagu dirays loogu talo galay ciidanka  ilaaladu ka soo qaadeen magaalada lowyo cado ee xadka u ah Somaliland iyo buuti uu marka hore halkaasi ku tagay ogolaansho uu ka haysto lamaha ay khusayso ee xukuumad  taasi oo la soo bandhigay cadaymaha waraaqaha ogolaansha. Ee ciidanka la socday gaadhiga gudoomiyuhu kaga soo qaateen  Kastamka Lawya Cado , isla markaana waxaa ay xukuumadu u sameysay Cashuur dhaaf kaasi oo ay ku sexeexan yihiin masuuliyiinta wasaarada maaliyada somalland.

Arintan oo bulshada reer Somaliland ku abuurtay dareeno kala duwan ayaan wali xukuumadu ka hadli sobobta keentay in ay xidhaan gaadhiga gudoomiyaha oo ay ku qaadeen wish walina ku xidhan xerada ciidanka birmadka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN IYO CADAYMAHA OGOLAASHAHA XUKUUMADA;

https://youtu.be/5kKxhlPyfOI

COMMENTS
LINKS