|
|||||
WAJAALE NEWS
Xadka Itoobiya iyo Eritrea oo Dib Loo Xidhay
April 23, 2019 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Goobta kali ah ee ay isaga kala gudbayeen shacabka dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa Isniintii la xidhay. Waxaa furnaa oo kaliya ah deegaanka ku yaalla xadka u dhexeeya labada dal ee Bure-Assab. Lamana garanayo sababta ka dambeysa in la xidho xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Waxaa gebi ahaanba hakad galay howlihii ganacsiga ee ka socday deegaanka xadka. Sannadkii lasoo dhaafay, ayay aheyd markii dib loo furay xadka Eritrea iyo Itoobiya kaddib 20 sanno oo ay ka dhex taagneyd dagaall dhanka xadka ah. Waxay arrintani ka dambeysay markii heshiis nabadeed ay wada gaadheen labada dal oo lagu soo afjarayo colaaddii dhanka xadka.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:Dawlada Itoobiya Oo Maraykanka Ugu Baaqday In Uu Joojiyo Wararka Been Abuurka ah Ee Uu Ka Faafinayo. Guddiga Tacliinta Sare oo sheegay inaanay Waxba ka Ogeyn Kulan Hargeysa Ku Dhexmaray Jaamacadaha Som... Gudoomiyaha Xarunta Xaquuqal Iinsaanka Madaxabanaan Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Go’aankii Ay Maxkamad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|