Xadka Itoobiya iyo Eritrea oo Dib Loo Xidhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xadka Itoobiya iyo Eritrea oo Dib Loo Xidhay
April 23, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Goobta kali ah ee ay isaga kala gudbayeen shacabka dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa Isniintii la xidhay.

Waxaa furnaa oo kaliya ah deegaanka ku yaalla xadka u dhexeeya labada dal ee Bure-Assab.

Lamana garanayo sababta ka dambeysa in la xidho xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

Image result for Xadka Itoobiya iyo Eritrea

Waxaa gebi ahaanba hakad galay howlihii ganacsiga ee ka socday deegaanka xadka.

Sannadkii lasoo dhaafay, ayay aheyd markii dib loo furay xadka Eritrea iyo Itoobiya kaddib 20 sanno oo ay ka dhex taagneyd dagaall dhanka xadka ah.

Waxay arrintani ka dambeysay markii heshiis nabadeed ay wada gaadheen labada dal oo lagu soo afjarayo colaaddii dhanka xadka.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS