|
|||||
WAJAALE NEWS
Wefti Reer Jabuuti Ah oo Dib U Dhigay Socdaal Ay Ku Iman Lahaayeen Somaliland
April 3, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Dib u dhac ayaa ku yimi Wefti ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaasi oo la filayey inay Toddobaadkan yimaaddaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sida ay shabakada Wajaalenews u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Weftiga ka iman lahaa Dalka Jabuuti, ayaa waxaa la sheegay inuu hormuud u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Jabuuti Xasan Cumar Burhaan. Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti, Xasan Cumar Burhaan ayaa waxa bishii hore Casuumad u fidiyey Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo Jabuuti kaga qayb-galay Afartan Guuradii Aasaaska xisbiga Talada Jabuuti haya ee RPP. Rasmi ahaan looma oga sababta baajisay Weftiga reer Jabuuti ee socdaalka ku iman lahaa Somaliland Toddobaadkan, laakiin Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Jabuuti ee Wasiirka Arrimaha guduhu ka mid yahay ay go’aansadeen inay socdaalkaa dib u dhigaan, maaddaama oo ay jirto hadal hayn la xidhiidha Dacwadda Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo bulshada uu kasoo jeedaa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dabagalka ay xukuumadda jabuuti ku hayso hantida Ganacsadahaasi. Inkasta oo xalay uu war soo saaray Bangi faransiis ah oo lagu magcaabo BCIMR oo ku dooday Ganacsade Axmed Cismaan Geelle uu soo Celin waayay Maalgalin ay siiyeen oo uu ku horumariyay Ganacsigiisa.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|