|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaan Ka Xumahay In Saraakiishaashii Ladilay Muddo Shan Cisho ah , Ay Gurmad ka Dalbanayeen Maxamed Kaahin Oo Ku Mashquulsanaa Doorasho Laba Xisbi”Gudomiye Cirro.
April 30, 2019 - Written by Editor:Hargeysa() Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay ka dhego adagtay gurmad ay mudo shan cisho ka hore ka dalbadeen labada Sarkaal ee lagu diley shalay duleedka degmada Yagoori , haseyeeshee ay Xukuumadda Biixi dhegaha ka furaysatay inay gurmad fidiso, isla markaana ay ka bad-baadiso weerarkii ay dablayda hubaysani ku khaarajiyeen labadaa Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidanka Booliska iyo Asluubta Somaliland. Guddoomiye Cirro ayaa sidaasi ku sheegay mar uu war-baahinta kula hadlayey Xarunta guud ee xisbiga WADDANI “Saraakiishii ciidanka Somaliland ee denbiilayaashu ku dileen gobolka Sanaag qarankana waan ka tacsiyadaynayaa , ehelkii iyo xaasaskoodii iyo qaraabadoodiina waan ka tacsiyadaynayaa , waxa waajib ah in sharciga dambiilayaasha la horkeeno .” Dhanka Kalene Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in labadaa sarkaa ka hor intii aan la dilin ay qayladhaan ay gurmad kaga dalbanayaan ay usoo direen Xukuumadda , balse ay Xukuumadda ka dhego adaygtay “Waxaan’se ka xumahay sida la sheegay in Saraakiishaashii muddo shan cisho ah , ay gurmad ka dalbanayeen Maxamed Kaahin oo ku mashquulsanaa doorasho laba Xisbi ayaan qabanayaa “ HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA GUDOMIYE CIRRO O ARINTAASI KA HADLAYA; WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:Daawo:Wasiir Sacad Cali Shire Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Sobobta Uu Ugu Ololayn Waayay Xisbiga... Daawo: Gudoomiye Ciro Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa U Jeediyay Dadwaynaha Reer Alaybaday Oo S... DAAWO; Maxamed Biixi Shir Cadaalad Daro Ah Ku Tilmamay Shirki Shalay Ee Xisbiga kulmiye Sheegayna I... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|