|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirro Ka Qaybgalay Gaardis Ay Ciidammada Somaliland Ugu Diyaar-garoobayaan18ka May
April 28, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka ka qayb galay gaardiska ciidammada kala duwan ee dalka oo dhoolatus ku samaynayey xarunta xerada Bir-jeex ee magaalada Hargeysa. Waxa dhoola tuska Gaado ka ciyaarka ah ka qayb galay dhammaan ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland, Wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Gaashaandhiga Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyi gelinta Maxamed Muuse Diiriye, Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka C/laahi Abokor iyo Taliyayaasha ciidammada kala duwan ee Qaranka. Munaasibadan dhoolatuska ah ayaa loogu diyaar garoobayaa xuska maalinta dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee 18 May.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|