Wasiirkii Hore Qarshaynta oo Beeniyey In Sababta Uu Madaxweynuhu Xilka Uga Qaaday Tahay Inuu Ka Qayb-galay Dood Lagu Marti-qaaday Prof: Samater | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Hore Qarshaynta oo Beeniyey In Sababta Uu Madaxweynuhu Xilka Uga Qaaday Tahay Inuu Ka Qayb-galay Dood Lagu Marti-qaaday Prof: Samater
April 24, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, Cawaale Ibraahim Shirwac oo dhawaan uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  uu xilka ka qaaday, ayaa beeniyey in sababta uu Madaxweynuhu xilka uga qaaday tahay inuu ka qayb-galay dood lagu marti-qaaday Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo aanay siyaasiyan xilligan isku wanaagsanayn Madaxweynaha.

Wasiirkii hore ee Qorshaynta Somaliland, ayaa waxa la waydiiyey in Sababta uu xilkiisii ku waayay tahay ka qayb-galka dood uu bishan gudaheedii Hargeysa ku qabtay Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ku jawaabay “Dadku waxay leeyihiin Anigu jawaab uma hayo, Waayo? Bani-aadamku boqol sababood ayay samayn karaan, laakiin anigu taan qirayaa waxa weeyaan, Madaxweynuhu Xilka aniga ayuu ii dhiibay oo Shuruud kale igala muu gelin, oo shaqada ayaa noo ahayd Shuruud oo aan shaqadayda ka soo baxo oo Dadkuna ii sinnaadaan oo aan noqdo Wasiir Tusaale ah, sidaan qabo, Madaxweynuhu markuu xilka iga qaaday kulamadii ka dambeeyay ee aanu yeelanay, wax shaqadayda khuseysa oo dhaliil ah maan arag, jewi wanaagsan ayaanu Madaxweynaha ku kala tagnay.”.

Mr. Shirwac wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi uu aragti ahaan ka sarreeyo qof xil kaga qaada qof inuu Xaflad ka qayb-galay “Anigu shaqsiyan ma qabo haddaad i waydiiso, mana qabo in Madaxweynuhu uu qaabkaa u dhaqmo, Waayo? Sannad iyo badh baanu soo wada shaqaynay, Madaxweynuhu waa Qof arrimahaa ka sarreeya, Aragtidiisuna wax kale ayay ku mashquulsan tahay, markaa waxaan qabaa in Madaxweynuhu jeclaystay inuu Qof kale xilka u dhiibo..” ayuu yidhi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS