Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Kormeeray Istuudyeyaasha Radio Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Kormeeray Istuudyeyaasha Radio Hargeysa
April 23, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye oo uu weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali ayaa maanta kormeeray Istuudyeyaasha Idaacadda Radio Hargeysa.

Waxa kaloo ay Masuuliyiinta Warfaafintu kormeereen tiyaatirka Wasaaradda Warfaafinta oo Fanaaniinta Qaranku ay ku diyaarinayeen Bandhig faneedka ay ugu talogaleen munaasibadda 28 guuradda ka soo wareegtay madax-bannaanida Somaliland ee 18ka May.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafintu waxay xog waran ka dhegaysteen masuuliyiinta xafiisyada ay kormeereen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa kormeerkaas kadib sheegay inay bilaabayaan sidii cajaladaha ku jira kaydka Radio Hargeysa looga dhigi lahaa qaar elektaroonig ah, si ay mustaqbalka loo baahiyo barnaamijyada iyo suugaanta ku duugaan cajaladihii hore ee duugga ah.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS