|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Khaarajiyaha Somaliland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Itoobiya
April 29, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Ambassador Shamsudin Axmed, kadib markii safiirku uu booqasho ku tagay xafiiska wasiirka arimaha dibada Somaliland saaka subaxdii. Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo war qoraal ah soo dhigay barta ay ku leeyihiin Twitter-ka oo ay soo xigatay Shabakada Wajaalenews, ayuu Wasiirka Arimaha dibada Somaliland uu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Ambassador Shamsudin oo ah Wakiilka Qunsuliyada dalka Ethiopia ay ku leedahay Somaliland uu ku soo booqdo xafiiskiisa. Waxaanu intaasi ku daray Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon in Somaliland iyo Ethiopia ay yihiin laba dal oo wadaaga Nabadgalyada iyo Xasiloonida, isla markaana ay ka wadashaqeeyaan guud ahaan amaanka gobolka.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Qarxay Maareeyaha Dekeda Berbera Iyo Ku Xigeenkiisa+Ku Xigeenka Oo Madaxto... Madaxwayne Biixi Iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley Oo Kulan Xasaasi Ah Yeeshay Iyo Nuxurka 5Qodob Oo Ay... Daawo Muuqaal:-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Doorashadii Madaxtooyada Ee Dalka Ka Dhacday COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|