Madax-dhaqameedka& Waxgaradka Beesha Oday Maxamed Xasan Dalab Oo Si Adag Uga Hadlay Dhul Uu Leeyahay Oo Madaxwayne Biixi Xoog Madaxtooyo Kaga Dhisanayo, Soona Bandhigay Cadaymo Xasaasiya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax-dhaqameedka& Waxgaradka Beesha Oday Maxamed Xasan Dalab Oo Si Adag Uga Hadlay Dhul Uu Leeyahay Oo Madaxwayne Biixi Xoog Madaxtooyo Kaga Dhisanayo, Soona Bandhigay Cadaymo Xasaasiya!
April 13, 2019 - Written by Editor:

Madax-dhaqameedka& Waxgaradka Beesha Oday Maxamed Xasan Dalab Oo Si Adag Uga Hadlay Dhul Uu Leeyahay Oo Madaxwayne Biixi Xoog Madaxtooyo Kaga Dhisanayo, Soona Bandhigay Cadaymo Xasaasiya!

HARGAYSA(W,N) Salaadiinta Waxgaradka, Siyaasiyiinta Beesha Oday Maxamed xasan dalab oo ah mulkiilaha dhul la sheegay in laga dhisayo madaxtooyo cusub mudana xoog ay ku dhisayeen ciidamada milatariga somaliland ayaa si adag uga hadlay dhacdadan iyagoo fariin culus udiray madaxwaynaha somalland muuse biixi cabdi oo ay ku eedeeyeen in uu isagu hawshan wado sifo sharciga baalmarsana uu doonayo in uu dhulkan ku qaato.

Ugu horanya waxaa arinta xooga loogu haysto beertiisa iyo marxaladihii ay soo martay ka hadlay oday Maxamed Xasan Dalab iyo Cabdi Ismaaciil oo isna kamida qoyska leh Beertani

Sidoo kale Waxaa iyagu si kulul Ucanbaareeyay talaabada Madaxwayne Muuse biixi Uu Ku haysto beerta Maxamed xasan dalab Ex Xidlhibaan Xasan Xaydh, Suldaan Siyaad,Cabdiqaadir sheikh yuusuf sheikh madar Iyo Caaqil Shaqale  kuwaasi oo dhamaantood wacad ku maray in aanay suurto gal ahayn in beerta Maxamed xXasan xoog lagu qaato sharciga uu ku leeyahayna uu yahay ka Madaxwaynaha ka  dhigay muuse biixi

Hadii uu sharcigu shaqayn waayana muuse biixina aanu Ahaanayn Madaxwayne.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO XASAASIYA;

 

COMMENTS
LINKS