|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Xukuumada Somaliland oo Xaalad Deg Deg Ah Gelisay Gobolka Sanaag
April 30, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa xeer Madaxweyne ku soo saaray in xaalad deg-deg ah lagu soo roggo degmooyinka Ceerigaabo, Ceel-Afweyne iyo Gar-adag oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Sanaag. Xaaladdan Deg-degga ah ayaa socon doonta muddo Saddex bilood ah, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo goor dhawayd Xarunta Madaxtooyada kula hadlay Warbaahinta. Xeerka Madaxweynaha u ogolaanaya inuu Xaalad deg-deg ah ku soo rogo Deegaannada Xaaladaha Amni-xumo ka jiraan ayaa loo gudbinayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, kaasi oo marka la ansixiyo Ciidammada awood u siinaya inay masuul ka noqdaan deegaannada Xaaladda deg-degga ah lagu soo rogay. Amarka ka soo baxay Madaxweynaha oo dhaqan-gelaya marka labada Aqal ee Baarlamaanku ansixiyaan xeerkaasi, ayaa ku soo aaday ka dib, markii Shalay deegaanka Gar-adag lagu dilay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliska ee degmada Gar-adag. Warkan oo faahfaahsan kala soco Shabakada Wajaalenews Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:DAAWO; Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Dawlada Hoose Ee Hargaysa ka Xayirtay Lacagtii Ugu Jir... Arday 19Sano Ka Hor Ka Baxday Dugsiga Sare Ee Faarax Oomaar Oo Booqasho Ku Tagay Iyo Waxa Ay Indhaho... DAAWO;Nuxurka Khudbad Madaxwaynaha Jsl Ka Jeediyay Shirkii Haayadaha Maaliyada Iyo fariinta Uu Udira... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|