|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Madaxwaynihii Suudaan Oo Xabsiga Loo Taxaabay iyo Milatariga Oo Xukunkii La Wareegay.
April 11, 2019 - Written by Editor:Wasiirka gaashaan dhigga ee Sudan ahna madaxa taliska milatariga ayaa shir jaraa’id oo si weyn loo sugayay goor dhaow ku sheegay in xilka laga qaaday Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay. Cawad Ibnu Cawf ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dalka la galinayo 3 bilood oo xaalad deg deg ah isla markaana muddo 2 sano ah ay milatariga xukunka waddanka sii heyn doonaan, ilaa inta doorasho xor ah laga sameynayo. Wuxuu sheegay in xabsiga laga sii deyn doono dhammaan dadka u xiran arrimaha siyaasadda. “Guddiga sare waxay go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in dalka ay ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah muddo 2 sanno ah, militariga ayaa si rasmi ah ula wareegaya awoodda iyagoo matalaya shacabka reer Suudaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Suudaan. Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas. Related posts:War Deg Deg ah: Dablaydii Lagu Eedaynayay In ay Dishay Taliyihii Qaybta Booliska Berbera oo Qaarkam... "Inanka Faqiirka Ahna Waa La Guursanayaa, Ka Wax Haystana Waa La Guursanayaa" Nasiiba Sheekh Adan Si... Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Ka Hadlay Dib U Dhac Ku Yimi-Imtaxaan-Laga-Qaadi-Lahaa-Sh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|