|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Dawlad Degaanka Soomaalida Ka Socda oo U Anbabaxay Degaanka Oromiya
April 30, 2019 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)– Wafdi ballaadhan oo isugu jira masuuliyiinta degaanka, odayaal dhaqameed iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maanta waxay socdaal ugu anbabaxeen magaalada Adhama ee degaanka Oromiya. Socdaalkan oo loogu magac daray socdaalkii nabadda iyo midaynta ilmo kushitik, ayaa wafdigu waxay mareen dhulka iyagoo magaalo kasta oo ay sii marayaan loogu samayn doono soo dhawayn heer sare ah. Haddaba waftigan ayaa markay gaadhaan magaalada Adhama waxay ka qayb galayaan Shir muhiim ah oo wadatashi qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo maalinta barri ah ka furmaya Adhaama. Socdaalkan iyo kulanka bari ka furmi doona Adhaama ee ay ku wada hadlayaan Soomaalida iyo Oromada ayaa la filayaa inay natiijo wax ku ool ah kasoo bixi doonto.
Wajaalenews Desk Jigjiga Office Wajalenews@gmail.com Related posts:DAAWO;- Dadwaynaha Magaalada Tog Wajaale Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Geed Sun Ah Oo Shirkad Chines... Guddoomiye Cirro oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Dirirtu Ku Dhexmaratay Koonfurta Laascaanood “Waxa Ii Caddaatay Cabdicasiis Iyo Xubhnaha La Socdaa Ee Tirada Yari In Ay Rabaan In Ay Dumiyaan Dal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|