Taliyihii Xabsiga iyo Ku-xigeenkii Booliska Gar-adag oo La Dilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyihii Xabsiga iyo Ku-xigeenkii Booliska Gar-adag oo La Dilay
April 29, 2019 - Written by Reporter:

Gar-adag (WJN)– Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenkii Saldhigga Booliiska ee Degmadaasi ayaa la dilay Maanta.

Sidaa waxa Telefiishanka HCTV u xaqiijiyey Suldaan Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Muxumed oo ay ehel yihiin labada Sarkaal ee Geeriyooday.

Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliiska ee Degmadaasi, Gaashaanle Cabdillaahi Axmed Tallan iyo Gaashaanle Nuur Aw Cali Nuux, ayaa la sheegay inay ka baxsadeen Magaalada Gar-adag, iyagoo ka cabsi qabey in loogu aaro Ganacsade ku Geeriyooday xabsiga Ceerigaabo oo Magaciisu ahaa Cali Ciid, kaasi oo Maanta la aasay.

Saraakiishan oo hanjabaado soo gaadhay u fakaday, ayaa la sheegay inay dileen Maleeshiyo is abaabushay oo ay isku beel yihiin Ninka Ganacsadaha ah ee Xabsiga Ceerigaabo ku dhex Geeriyooday, kaasi oo markii hore loo xidhay inuu Gacan u qaaday mid ka mid ah Saraakiisha la sheegay in Maanta la dilay.

Warkan oo faahfaahsan kala soco Shabakada Wajaalenews.

Source: HCTV

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS