|
|||||
WAJAALE NEWS
Soomaaliya oo Loo Fasaxay Lacag Dhan $45.7 Million oo Gargaar Ah
April 2, 2019 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)– Sanduuqa Qaramada Midoobay ee gargaarka dagdega ah ee (CERF) iyo Sanduuqa Bani’aadanimo ee Somalia ayaa fasaxay lacag gaadhaysa $45.7 million dollar maanta si wax looga qabto badbaadada dadka Somalia, halkaas oo dad lagu qiyaasay 4.2 million oo qof ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo bani’aadanimo sanadkan, oo ay ku jiraan 900,000 caruur ah. “Lacagtan ayaa wax lagaga qaban doonaa baahiyaha dhinaca raashinka, biyaha, caafimaadka, iyo waxbarashada sida ugu dhakhsaha badan uguna suurtagalsan meelaha ay ka jirto baahiyaha xooga lihi,” sidaasi waxa yidh Mark Lowcock, oo ah Agaasimaha guud ee arimaha gargaarka iyo isku xidhka hawlaha bani’aadanimo. “waxaanu muhiimada saaraynaa inaanu gaadhsiino, Caruurta, Haweenka, iyo dadka waaweyn iyo kuwa naafada ah, ee ay soo wajahday abaaraha iyo dagaalada sii socda ee Somalia.”ayuu sii raaciyay. Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo ku sifeeyey ka reebida Madaxweynuhu Faysal Cali Waraabe ka ree... Wasiirka Waxbarashada Oo Shahaadooyin Guddoonsiisay In Ka Badan Afar Boqol Oo Arday Oo Ah Ardaydii U... Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Markale Wariye Bushaaro Baanday UJartay 7Maalmood Oo Xabsi Kusii H... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|